XAD RUMAAD & BEENAAD? Maxaa kala duwey JIITINTA xadka ay Somalia la leedahay Itoobiya?

0

(Hadalsame) 02 Juun 2019 – Maalmahan waxa muran ka taagnaa qariidad Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Ethiopia soo gelisay internetka oo hadal hayn badan dhalisay. khariiddadu waa jirtaa waana ku talogal Xabashidu u soo galisay internedka, waana QAAXO ku maqan dadka Soomaaliyeed. Xabashidu waxay sugaysa inta Soomaalidu ay isduminayso oo ayan is difaaci karin. Waxyaabaha in lagu baaraarugo u baahan waa:

1. Isticmaarkii Talyaanuga ee Koonfurta Soomaaliya ka talinayay iyo Abyssinia (Ethiopia) waxay 1928 ku heshiiyeen in xadka laba dhul u noqodo 118.3 km marka laga soo cabro Xeebta Banaadir. Maanta xariijintii lagu heshiiyay waxay Itobiaa soo dhaaftay oo leedahay 130 km.

2. Talyaanigu wuxuu 1934 wuxu saldhig ka samaystay Walwal (UalUal ) Xabasjidu sheeganaysay, isga gudaha u galay xadkii lagu heshiiyay. Xabashidu waxay u dacwootay Ururkii qaramada midoobay (League of Nations). Inkasta oo Talyaaniga laga xukumay, Talyaanigu waa ku gacan sayray, waxana ku xigay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Xabashida.

3. Dagaalkii adduunka ee Labaad markii Talyaaniga la jebiyay, Xabashidu waxay ku soo noqotay Walawal, waxayna sheegatay Konfurta Soomaaliya iyada oo Xayle Silaase ku doodayo, ‘in Soomaalidu tahy xoolo raacato ka tirsan dalka Xabashida.”

4. Markii lagu wareejay UN-ka Konfurta Soomaaliya dhamaadkii dagaalkii labaad 1942-kii, ma jirin laba dawlad oo oo xad kala jeexda. Sidaa darteed 1960 waxa Koonfurta Soomaaliya xorowday iyada oo ayan xad la lahayn Xabashida. Sidaa darteed Koonfur oo dhan bay Xabashidu sheeganaysaa.

5. Ingriiska iyo Ethiopia wey kala calaamadsadeen xad u dhaxeeya Somaliland iyo Xabashida, sidaa darteed baa khariidada Wasaaradda Arrimaha debedda ee Itoobiya ay Internet-ka soo gelisay ay uga reebtay Somaliland. Waxaa yaal xad caalami ah oo la aqoonsanyay oo la jeexay oo kuma xad kudbi karto.

6. Fiiri khariiddda lifaaqa ee u dhaxaysa Konfurta Soomaaliya iyo Xabashida iyo tan u dhaxaysa Somaliland iyo Xabashida. Tan konfurtu waa jajabantahay, tan Somalilandna waa xariijin taxan. Macnaheedu waa tan koonfurtana laguma heshiin oo dhinicii la doono baa loo qaadi karaa, tan Somaliland-na waxa lagu jeexay heshiis laba maamul oo lama bedeli karo. Marka yaan lala yaabi haddii Xabashidu sheegato Xeebta Banaadir iyo Muqdishaba.

7. Qariiddada Xabashidu waa, ‘ DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO, HADDAY GARANWEYDANA GOGA U GELI!’

8. Rajada qura ee aan leenahay waa Soomaaliya iyo Xabashida oo ay u dhexayaan GEESIYADA SOOMAL GALBEED.

Waxaa Qoray: Yuusuf Xayd

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media