Maqaal JAWAAB u ah aragtida ah ”in Itoobiya ay kaliya doonayso koonfurta Somalia, balse ay daynayso Somaliland!” (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 02 Juun 2019 – Waxaan tixraacayaa maqaalka XAD RUMAAD & BEENAAD oo uu Yuusuf Xayd kusoo qaatay inuu jiro farqi u dhexeeya jiitinta xadka u dhexeeya Somalia iyo Itoobiya, isagoo daliishanaya in uu jiro heshiis dhex maray Britain iyo Xabashida, balse aanu jirin mid u dhexeeyay Talyaaniga iyo Amxaarada, sidaa darteed aanay Itoobiya abid sheegan karin Somaliland, balse ay sheegan karto koonfurta.

QODOBBADA CILLADAYNAYA ARAGTIDA MAQAALKAN:

1 – Aan ku bilaabo inaanu furnayn xadka woqooyiga Somalia (Somaliland) sida midka koonfurta iyo Itoobiya, maadaama uu jiro heshiis caalami ah, bal aan tusaale usoo qaadanno usoo qaadanno gobolka Crimea, caalamku wuxuu u aqoonsan yahay gobol ka mid ah Ukraine oo wax xad beenaad ah oo uu Ruushka la lahaa ma jirin oo waxaa si rasmi ah Ukraine loogu daray 1954-kii, iyadoo uu weliba Ruushku saxiixay, ha yeeshee waa tii barqo cad uu Ruushku ka goostay Ukraine bishii Maarso 2014-kii.

Sidoo kale, Kosovo Serbia ayay ka mid ahayd, abidkeedna dal gooni u taagan ma ahayn, balse waa tii Serbia oo soo taagan laga gooyay 17-kii Febraayo 2008 weliba dalal badanina aqoonsadeen, ku darsoo qoraagu wuxuu xusay in uu Talyaanigu galay Wal Wal isagoo sidaa ku jebinaya heshiis uu horay ula galay Xabashida iyo soo jeedintii ururkii League of Nations, kaddibna wuxuuba wada qabsaday Itoobiya iyo Eritrea 1935-kii.

Waxaa oo dhan waxaan uga dan leeyahay in aan xuso in Xeerka Caalamiga ihi aanu ahayn wax fadhiya, balse la joojin karo lana jiifin karo, taasoo mararka qaar ku xiran ninba tabartii.

2 – Qodob kale oo muhim ihi wuxuu yahay xadka koonfurta Somalia iyo Kenya oo isna xiran lana mid ah midka woqooyiga Somalia (Somaliland), heshiiskii Talyaaniga iyo Britain (Anglo-Italian Treaty) wuxuu 1924-kii laba qaybood u qaybiyay gobolka Jubbaland oo uu u kala jaray NFD iyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, iyagoo kala saxiixday in NFD uu sidaa ku qaato Ingiriisku, balse waloow uu xadkaasi xiran yahay Somalia uma aqoonsana xad SHARCI ah oo waxay u taqaannaa ”xad beenaad”, sidoo kale Kenya waa tii dorraad Jubbaland sheeganaysey. Taana waxaan ula jeedaa in aan xad xiran inaan uga jawaabo aragtida ah haddii uu xadku xiran yahay cid kusoo damaacin kartaa ma jirto.

LABADA ARAGTIYOOD EE LABADA DAL (PRECPECTIVES):

1 – Waxaa qoraalka ka muuqata inuu qoraagu qiimeeynayo sida ay Itoobiya wax u aragto (Ethiopian prespective), isagoo xusay in Itoobiya ay qabto aragti ah ”inay Soomaalidu tahay geelleey iyadu u taliso”, iyo in aan lala yaabaynin ”haddii ay berri sheegato Banaadir iyo koonfur” isagoo daliishanaya in aanu jirin XAD XIRAN oo u dhexeeya labada dhinac.

Waa run inay Itoobiya aamisan tahay aragti is ballaarin ah (expansionism), balse taariikhda meelna ugama taallo mar ay Itoobiya muujisay inay doonayso inay Soomaalida qaar qabsato qaarna dayso, balse aragtidii Miniliq iyo Xayle Selaase waxay ku dhisnayd inay qaataan min Jabuuti ilaa Wajeer.

Hal tusaale oo wanaagsani wuxuu noqonayaa, markii dhulka la yiraahdo Hawd (Reserve Area) uu Ingiriisku ku wareejiyay Amxaarada, waxaa dhacay wax dhul gariir oo kale ku noqday woqooyiga iyo guud ahaan Soomaalida maadaama dhulkaa baad iyo biyo ahaanba uu ahaa mid aad muhim ugu ahaa xoolaha Soomaalida aaggaasi, deeto, wuxuu jaalle Ingiriis cadaadis badan oo Soomaalida kaga imanayey uu Xabashida u bandhigay inuu bad ka siiyo dhanka gobolka Awdal, gaar ahaan Buulaxaar iyo Saylac, oo ay taa biddaalkeeda soo celiyaan Hawd, waxaanay ku jawaabeen ”tan aannu maanta haysano celin mayno taa kalena waan heli doonnaa.”

2 – Waxaa sida ay Itoobiya dhulka Soomaaliyeed u sheeganayso sidoo kale jirta aragti Soomaaliyeed (Somali Prespective) oo ku dhisan in dhulka Soomaaliyeed ee lagu kala daray Kenya iyo Itoobiya aanay marna u aqoonsanayn dhul dalalkaa ka tirsan sidaa darteed Somalia waxay xadkaa la dhex dhigay u taqaannaa ”XAD BEENAAD”, waana midda aanay Somalia iskugu shuqlinnin in la xiro JIITINTA u dhaxaysa Itoobiya iyo bartamaha Somalia, balse micnuhu ma aha inaan wax kasoo eegno dhanka wixii ay gumaysiga la ahayd iyo heshiisyadii ay iyagu kala saxiixdeen ee aan Soomaalida danteeda iyo midnimadeeda u adeegayn.

Kuna darso, khariidadda lasoo bandhigay beri dhowayd ma aha mid cusub ee waxay salka ku haysaa khariidadda dhulkii ay Boqortooyadii Talyaanigu mar ka xukumaysey Geeska Afrika, kuwaasoo ka koobnaa koonfurta Somalia, Itoobiya iyo Eritrea wixii ka dambeeyay 1935-kii oo uu Talyaanigu Itoobiya wada qabsaday.

Sidaa darteed, halkii aan ka qiri lahayn waxa ay Itoobiya doonayso waa inaan dul istaagnaa waxa ay Soomaalidu rabto, waayo taa ayaa annaga na khuseeysa, waxaa kale oo muhim ah in la xusuusnaado in Itoobiya oo qabsan karta koonfurta Somalia oo ka ballaaran kana dad badan woqooyiga, ay dhaafayso inay sidoo kale qabsato woqooyiga iyo xitaa Jabbuuti, taasina waa aragti ay tahay in aad loogu baraarugsanaado si aan loogu dhicin dabinka ah qaybi oo xukun.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media