”Wuxuu igu ballamiyay hoteel ku yaalla Paris kaddibna…” – Neymar Jr oo KUFSI loo haysto lana dacweeyay + Sawirro

0

(Paris) 02 Juun 2019 – Jookarka Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil ee Neymar Jr ayaa dafiray eedaymo la xiriira inuu gabar ku kufsaday hoteel ku yaalla magaalada Paris, isagoo taa ku tilmaamay baad uu doonayo qarreenka gabadha.

Warar shalay soo hor yeeshay oo lagu faafiyay UOL Sport ayaa sheegaya in Neymar uu gabadha qof saaxiib ihi ka baray barta Instagram, kaddibna uu ku qalqaaliyay inay usoo duusho magaalada Paris.

Waxaa la sheegay in deeto uu Neymar oo cabsani uu yimid hoteelkii ay joogtey, Sofitel Paris Arc de Triomphe, 15-kii bishii hore ee Maajo, kaddibna uu noqday hujuumi caraysan oo uu gabadha xoog ku kufsaday.

Gabadha oo murugaysan ayaa deeto la sheegay inay dib ugu laabatay dalka Brazil bishii Maajo 17. Waxay kaddib ka dacwaysey maxkamad ku taalla Sao Paulo.

War kasoo baxay dhanka Neymar oo la dhigay webkiisa rasmiga ah ayaa beeninaya in 27-jirkani wax lug ah ku leeyahay eedaha loo tirinayo, waxaana qoraalka lagu sheegay in baad arrintan looga doonayo laacibka reer Brazil, sida ay ku doodeen.

Waxaa dadka inkiraya ka mid ah aabihii Neymar Santos oo sheegay in wiilkiisa iyo gabadhu kulmeen, balse aanu wiilkiisu waxba samaynin.

Hadalsame Media