Waxaa la calaameeyay koonfurta Somalia, balse waxaa la cunayaa Soomaali oo dhan (Akhri 2 khiyaano oo ku jirta maabka soo baxsaday)

0

(Hadalsame) 27 Maajo 2019 – Waxaa shalay baraha bulshada Soomaalida qabsaday sawir lasoo dhigay Wasaarad Dibadeedka Itoobiya, kaasoo muujinaya maabka Somalia oo ay Itoobiya liqday.

Yeelkeede, waxaa lasoo saaray qaybta woqooyi (Somaliland) iyo Jabuuti, taasoo ay dad badan oo waxgarad ihi u fasireen laba sababood:

1 – Itoobiya oo rumaysan inay durbaba qaybahaas ku leeyihiin dano iyo saamayn ballaaran sida inay saami ku sheeganayaan dekedda Berbera iyo inay Jabuuti haatan wax kala soo degaan, balse mustaqbalka fog aysan u daahayn haddiiba ay qabsadaan koonfurta ka ballaaran.

2 – Ujeeddo kale oo ah qaybi oo xukun si indhow-garadka looga dhaadhiciyo in aan Itoobiya Soomaali oo idil col iyo weerar ku ahayn, taasoo keenaysa in qolo is dhigato, balse hadhoow kaligeed la qasho (xusuuso sheekadii 3-da dibi).

Dadka arrintaa wax ka qoray waxaa ka mid ah gabadha hal abuurka ah ee Naciima Qorane oo ka mid ah codadka u taagan in Soomaalinimadu ay lama huraan tahay, waxayna qoraalkeeda ku bilowday:

”Waagii Soomaalidu ay qabiilka ka caafimaadka qabtay, ayaa nin Abwaan ahaa oo Salaan Carrabay la odhan jiray Eebbe wayne haw nacariisto e, tiriyay gabay meeris yadani ka mid ahaayeen oo yidhi:

Daaroodka jabay waa isaaq dadab ku xeernayde
Hadii aqalka daahiisu go’o daakhilkaa xiga e
Nin la dilay maxaan kaga digtaa sow ma daba joogo!!

”Waxa aan uga socdaa, dad badan ayaa caawa la dhacsan khariiraddan!! Waxa se aanay taladaba ku darin, in haddii Soomaaliya la qaato, aanay iyaguna ka dambayn doonin. Aniga se aragtidayda, inta qof Soomaali ahi nool yahay, isma lihi Ethiopia ayaa taako dhulkiinna ah oo dambe qaadan doonta. Intii hore ee nagaga maqnayd ayaannaan habeen ka seexan.”

#SoomaaliweynSoomaalibaaLeh

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media