DHAYGAG: Wuxuu dalban jirey PIZZA, balse ujeedkiisu waa inuu QASHO qofka usoo qaadaya (Nin 31 qof ku qashay Maraykanka oo la qabtay)

0

(Houston, TX) 27 Maajo 2019 – Booliiska magaalada Houston ee caasimadda gobolkaa Texas ayaa soo qabtay nin lala xiriirinayo inuu qashay 31 qofood oo la waayey 10-kii sanadood ee ugu dambeeyay.

Ivan Fedorovitch Yanukovych, 56 jir, ayay booliisku xiiseeyeen kaddib markii ay dersaantu kasoo sheegteen inuu saq dhexe iyo xilli dambeba isticmaalo miishaar danabeed (chainsaw), iyadoo mararka qaar la arko isagoo uu “dhiig ku aslan yahay.”

Yeelkeede, markii ay booliisku gurigiisa tageen waxay arkeen wax ka maajiyey, Yanukovych wuxuu xilligaa garaashkiisa ku qalayey qof isagoo diyaarinayay wax ay booliisku ku sheegeen ”hilib badan oo uu ku dubi lahaa dheri-dhuleed”, isagoo weliba u qooshtay xawaash kala nooc ah oo uu ku geedayn lahaa.

“Wuxuu qirtay inuu soo siray deetana qashay dadka PIZZA-da geeya, boostaalayaal iyo dhowr nin oo ah kuwa diinta faafiya ee mad’habta Masiixiga ah ee Jehovah witnesses,” ayuu yiri taliye xigeenka Booliiska Jeff Buchanan.

Yanukovych, oo la nool hooyadii Anastasia Z. Yanukovych, 93 jir, isla markaana qaybta hoose ee gurigiisa ka ijaarey arday maxalli ah, ayaa caadi u dhex gala dadka magaalada, si aan cidina uga shakiyin. Wuxuu xitaa aad uga qayb qaadan jirey qaaraanka iyo kulamada bulshada oo uu horseed idman ka ahaa.

Tii ugu darrayd waxay dhacday, markii uu Yanukovych oo dembigan qariibka ah qirtay uu woxoogaa shallaay ah ka muujiyay inuu qashay wiilasha Pizza-da qaada iyo boostaalayaal shaqadooda gudanayey, balse uu sheegay in ay ka xanaajiyeen qolooyinka Jehovah Witnesses isla markaana “uu jeclaan lahaa inuu qaar kale cuno.”

Ninkan Ivan Fedorovitch Yanukovych ayaa wajahaya xukunka ugu fog ee xabsi, iyadoo lagu xukumi karo 2,675 sano oo xabsi ah oo aan cafis lahayn, sida ay qiyaaseen khubarada sharcigu.

Hadalsame Media