Kenya oo QIRATAY wixii ay qarinaysay oo dhan & 4 qodob oo u qorshaysan!

0

(Nairobi) 27 Maajo 2019 – Kenya ayaa iskeed u bilowday wax ay ku sheegtay ”muran diblomaasiyadeed oo kala dhexeeya Somalia ayaa af labadii yeertey, iyadoo sheegtay in haddii aan arrinta laga gaarin ay halis ku keeni karto ”deganaanshiyaha gobolka iyo soo kabashada Somalia” intaba.

Waxaa horay loo hadal hayey inay Kenya ciyaarayso xeelad fashilan oo ay kaga hor degeeyso go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo xukunka ridaysa bisha Sebtembar 2019.

Waxaana arrintaa ka baaraan degey warqaadka wayn ee Daily Nation oo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Somalia iyo Kenya waa inay hadlaan, maadaama aan maxkamad muran lagu dhamaynin.”

Kaaga darane siyaasad xumada Kenya, waxaay Maajo 21, 2019, 3 qof ka tirsan madaxda DF Somalia uga dhaarteen inay ka qayb galaan shir looga hadlayey Xallinta Xasaradaha Xuduudaha ka tillaaba oo uu maalgelinayo Midowga Yurub, taasoo ka caraysiisay xitaa EU.

Weliba waxay uga jawaabtey qaab jees jees oo kale ah, iyadoo ku tilmaantay wax caadi ah in FIISE la isu diido, balse aanay taasi ka dhignayn dhibaato diblomaasiyadeed, sida ay ku doodeen.

Wargayska ayaa saadinaya inay xaaladdu cirka isku sii shareeri doonto bilaha yar ee soo aadan, isagoo sheegay inay Kenya qorshaynayso arrimahan:

1 – In ay mudnaanta kala noqoto diblomaasiyiinta iyo madaxda sare ee ka imanaya Somalia.

2 – In ay soo celiso xannibaadihii iyo hannaankii adkaa ee lagu wajahayey rakaabyada Soomaaliyeed ee ka imanaya Somalia.

3 – In ay xiriir toos ah la yeelato maamullada federaalka ah ee Somalia.

4 – In ay sameeyso kasoo bixid taatikaysan oo ku bannaynayso meelo ay ku sheegtay ”inay xoreeysay.”

Wuxuu wargaysku kusoo koobay in haddii aan arrintan aan laga gaarin xal ka baxsan Maxkamad Caalami ah oo uu ku duray inuu saamayn ku leeyahay Xaakimka Cabdulqawi Yuusuf Axmed, taasoo ah wax lagu qoslo, marka la eego hannaanka ay maxkamaduhu ku shaqeeyaan in ay dhali doonto xiisad iyo amaan darro gobolka.

LIIDMO – Wuxuu warkaa leeyahay isagoo yaraysanaya Somalia, wuxuu qoray: ”Diblomaasiyaddu waxay na bartay in marka aad qof la feertamayso aad iska eegto xooggiisa”, waayo Somalia oo ah dal kasoo kabanaya 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, ku xoog maaha Kenya walaa Itoobiya.

Wuxuu se sheegay in Soomaalida oo ah dad aad indhaha ugu haya siyaasaddu aysan madaxdooda ka akhrisan doonin wax tanaasul ah, sidaa darteed ay arrintu cakiran tahay.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media