Raxan SHINNI ah oo laba maalmood gaari cayrsanaysay (Sabab la yaab badan)

0

(Hoverfordwest) 27 Maajo 2019 – Daacadnimadu xad ma laha. Markii ay Carol Howarth gaarigeeda Mitsubishi-ga ah dhigatay afaafka suuq ku yaalla Hoverfordwest oo ka tirsan Wales, Britain, waxba kama ogayn waxa ka dhacay gudaha gaarigeeda.

”Waxaan mar qura ka war helay wax midabka baroonka leh oo sidii daruur u aguugan oo gaarigayga qaybta dambe uga dheggan.” ayay tiri Carol oo sheegtay in ay dhibaato kala kulantay shinnida ilaa ay ka hesho dadka shinnida la macaamila.

Waxaa gaarigeeda kusoo xoomay raxan shinni ah oo ilaa 20,000 lagu qiyaasay, taasoo cayrsanaysey muddo 2 maalmood ah.

Waxaa arrintii arkay nin maxalli ah oo la yiraahdo Tom Moses oo u yeerey dadka shinnida raaca, waxaana la yaab noqotay inay gaariga u cayrsanayaan si ay u helaan Boqoradoodii oo gaariga ku dhex xannibantay.

Roger Burns oo ka mid ah shinnileeyda Pembrokeshire ayaa sheegay in ugu dambayn lagu guulaystey in boqoraddii laga soo saaro gudaha gaariga iyadoo nasiib wanaag aan waxba gaarin.

Hadalsame Media