“Waan aqbalnay…!?” – Wasaaradda A. Dibedda Somalia oo qaab su’aalo hor leh dhalinaysa uga hadashay maabka dalka ee la masaxay!

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2019 – Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa sheegtay in ay Itoobiya kala hadashay sawir lasoo dhigay webka dhiggeeda Itoobiya, kaasoo laga saaray markii dambe.

Sawirkan oo dad badani ka dhiidhiyeen ayaa ahaa khariidadda qaaradda Africa oo laga cunay dalka Soomaaliya, taasoo kicisay shucuurta Soomaalida.

Yeelkeede, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, Md Axmed Ciise Cawad, ayaa VOA u sheegay in ay isla markii ay ka warheleen khariidadda la soo daabacay xiriir la sameeyen Itoobiya, taasoo keentay in sawirkaa laga saaro bogga Wasaaradda.

Wuxuu intaa raaciyey Wasiirku in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ay khaladkaa “raalli gelin” ka bixisay, isla markaana ay iminka baaritaan ku bilowday sida ay wax u dheceen.

Wuxuu sheegay inay aqbaleen cudur daarkaasi iyagoo aqbalay inaan arrintani kas ahayn. Waxaa kale oo doodi ka jirtaa waxa raalli gelinta qarsoodi ka dhigaya maadaama ay arrintani shaacday oo aysan qarsoodi ahayn.

Ha yeeshee, qoraal ay WAD Itoobiya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka waloow ay qiratay khaladka dhicay misna marna wax raalli gelin ihi warkeeda kuma jirin, sidoo kalena ma faahfaahin sida ay arrintani ku dhacday iyadoo ku gaabsatay “cillad dhanka IT-da”.

Waxaa kale oo la is waydiinayaa waxa sawir noocaas ah dhex dhigay server-ka WAD Itoobiya, waxaana loo badiyey inaysan meesha ka marnayn ciyaar maskaxeed.

Hadalsame Media