Jabuuti oo yeelatay tareenkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeeya + Sawirro

0

(Jabuuti) 27 Maajo 2019 – Dalka Djibouti ayaa laga hirgeliyey tareenkii ugu horreeyay ee ah nooca casriga ah ee ku socda korontada ee qaaradda Afrika, Shinuhu ka sameeynayo, kuwaasoo ay leedahay Itoobiya.

3 tareen oo nooca kulka u gegsada ayaa isku xiri doona Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana tareennadan oo ay farsamaysay sharikadda CRRC Zhuzhou Locomotive Co. Ltd., dhowr tijaabo la mariyey iyagoo u kala gooshi doona caasimadaha Addis Ababa, Ethiopia iyo Djibouti City, caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti.

Waxaa dhowaan la keeni doonaa 32 tareen oo nooca xamuulka ah oo uu midkiiba ku shaqaynayo dab dhan 7,200 kilowatt, kuwaasoo wax badan ka tari doona isku xirka badeecooyinka iyo xiriirka labada dal, sida uu sheegay Kang Mingming oo ah khabiir ka tirsan CRRC Zhuzhou Locomotive.

Jidka xadiidka ah ee ay tareenadani marayaal ayaa gaaraya 752.7 km waxaana ku baxday 4 bilyan oo doollar, iyagoo saacaddii jaraya 120 km.

Hadalsame Media