MASKAXDA SOOMAALIDA: Ilaahow Midnimo dooni maayee MURUQ isii (Baro murtida cusub ee Soomaalida)

0

(Hadalsame) 27 Maajo 2019 – Waxaa la yiri Ilaahey seddex waa karaa kaama se yeelo, waxayna kala yihiin:

B. Ilaahow guursan maayee hay gablamin T. Ilaahow cibaadaysan maayee hay cadaabin J. Ilaahow xoogsan maayee xoolo isii.

Seddexdaas Ilaahey waa awoodaa kaamase yeelo, ujeedada laga leeyahay dardaarankaasi waxaa weeye ”xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan, wax kasta oo aad la kulanto ama kasbatana waa natiijada kariskaagii hore.

Waxaan murtidan usoo ergaystey, la yaabka iga haysta qiirada halka maalin ah ee Soomaalidu ku caanka baxday ee aan ka tarjumaynin afcaasha ay 24/7 ku fooggan yihiin, iyagoo doonaya wax aysan ku dadaalin haba yaraatee.

Soomaalida hadda joogtaa waxay ku mahmaahdaa: B. Ilaahow midnimo dooni maayee muruq isii. T. Ilaahoow nabad dooni maayee dagaal ha i badin. J. Ilaahoow dowlad dooni maayee dunida iga celi. Seddexdaas Ilaahay waa awoodaa lkn….

Haddaba, inaan ku hinraagno maxaa naloo hunguriyaynayaa waa hanfadnimo hoorrinimo dugsanaysa. Tan kale maabkeenu sixmi maayo ilaa aan maankeenna saxno, oo maskaxdeennu dhasho ra’yi milga leh.

Bal arag siyaasadda iyo qaabadda aannu doonayno inaan qaran ku dhisno; maamul hebel oo jawaab kulul bixiyey, beel hebla oo xiriirka jartay iyo siyaasi hebel oo dal hebel daba dhilifnimo lasoo saxiixday iyo maxay Itoobiya ii damaacinaysaa laba dabuubood oo is qaadanaya maahee Soomaalidaay kala daaya.

Ama ugu yaraan laba caqli darro ha isku darinee, sii ogaada in dal hodan ah sida Somalia oo nus qarni ka badan ku socda burbur iyo fashil ugu dambayn la qabsanayo, umad aan isu talin karina marka dambe loo talinayo, weliba intiinnii aan ogayneey Xayle Salaase wuxuu Yurub kula sheekaysan jirey ”In Soomaalidu tahay Geelleey kasoo fooftay dhanka Itoobiya, balse aanay xukun iyo dowladnimo waxba ka garaynin.”

Weliba maanta waxaa sii dhacaya nidaamka caalamiga ah (global order), sidaa darteed, xitaa mustaxiil maaha in markale la gumaysto waxa loo yaqaanno dalalka fashilmay (failed states) ee ay Somalia calanka u siddo.

Waxaad mooddaa inaan u marqaati furayno. Caqligani shaqayn maayo adeer. Caqli halla keeno oo odayada fashilka nagu wada iyo wixii aan dan umadeed wadin halla diido oo halla iska durkiyo xitaa haddii uu dirkaa yahay.

Inaad dunida khariidad ku lahaato qorshe fog iyo qarannimaa lagu helaa. Marna iskama timaaddo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media