Maabka la dooriyey ee dalka kale lagu daray 3 sababood baa ka dambeeya!

0

(Hadalsame) 29 Maajo 2019 – Map-ka Soomaaliya ee inta la midab dooriyey, dal kale lagu daray ee saaka la soo dhigay Bogga Waaaaradda Arimaha Dibadda ee Ethiopia, sababta ka dambaysaa saddexdan amuurood bay mid uun isugu soo biyo-shubanayaa:

1. In dagaalkii ka dhex socday hay’adaha Ethiopia dhexdooda ee u dhexeeyey Rajiimkii hore iyo hoggaanka cusub ee 6da goor isku deyey in lagu dilo Raisal Wasaare Abiya Ahmed uu weli jiro oo aan la soo afjarin. Dhacdadana lagu xumaynayo cilaaqaadka labada waddan.

2. In sida laga fahmi karo jawaabta Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia bixisay uu yahay Boggii Wasaaradda oo la hack-gareeyey ama la’ jabsaday. Wasaaraddu waxay tidhi; hawsha hadda waxa gacanta ku haya Team kayaga IT-ga

3. In ay hordhac u tahay ajande soo socda oo arrinkani yahay ku’day ama (False Alarm), hordhacna u ah hawlgalka aan heshiiska lagu wada ahayn ee Dowladda Ethiopia dabada ka riixayso kuna saabsan ciidamada Badda IGAD ee dhowaan saldhigan doona Xeebaha Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee Map-kan saaka ku soo baxay Bogga Wasaaradda ugu tunka weyn Ethiopia, wuxu toosiyey Soomaali badan oo aaminsanaa in dunidu nabad ku wada nooshahay oo aan belaayo jirin, lana yaabi jiray waddamadan Calaamka ee Balaayiinka Dollar maalin kasta ku soo gata hubka qaaliga ah.

Waxaa Qoray: Cismaan Abokor Dubbe

Hadalsame Media