DHACDO UGUB AH: Wiil Soomaaliyeed oo markii ugu horreeysey taariikhda galay Baarlamanka Yurub

0

(Sheffield) 27 Maajo 2019 – Maajid Cali Maxamuud, ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee loo doorto xildhibaannimada Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Strasbourg.

Maajid, oo u tartamayey Xisbiga liberaalka ah ee bay’ada ama degaanka u dooda ee Green Party ee UK, ayaa sidaa kaga mid noqonayaa 751 xubnood ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Midowga Yurub.

Maajid, ayaa horay u ahaa duqii magaalada Sheffield ee dalka UK.

Xisbigan Greens ayaa doorashada Yurub natiijo macquul ah ka keenay, isagoo helay 11.1%, isagoo xitaa ka sara maray Xisbiga Muxaafidka ah oo caadiyan ka mid ahaa labada cududood ee ugu waawayn Britain.

Waxaa lagu xasuustaa intii uu hayay xilka duqa magaalada Sheffield, in uu soo saaray go’aan lagu mamnuucayey in Madaxweyne Trump magaaladaasi cagaha soo dhigo.

Hadalsame Media