DHAGAR CUSUB: Somalia oo miiska u saaran sharikaadka qaata qandaraasyada dagaalka calooshood u shaqaystayaasha!!

0

(Hadalsame) 26 Maajo 2019 – Waxaan daawaday waraysi Aljazeera la yeelatay Erik Prince, madixii hore ee sharikaddii maafiyada ahayd ee Blackwater haddana ka mid ah madaxda iyo milkilayaasha sharikadda Frontier Service Group oo fadhigeedu yahay Hong Kong ahna sharikad ka shaqaysa ammaanka iyo saanadda.

Erik Prince oo horay u uga mid ahaa U.S. Navu Seal waxaa lagu xasuustaa sharikaddiisi maafiyada ahayd ee Blackwater taas oo dambiyo dagaal ka gaysatay dalka Ciraaq.

Blackwater oo xukuumaddii Bush qandaraas siisay in ay ilaaliso diblomaasiyiinta Maraykanka ee Ciraaq ku sugnaa ayaa waxaa ciidankeedu laayeen dad badan oo shacab Ciraaqiyiin ah. Waxaa ka mid ahaa xasuuqii Nisuur Square ee 2007 halkaas oo 14 shacab aan hubaysnayn ay Blackwater ku dishay.

Waraysigaan oo ka baxay Aljazeera English bishii March ee sannadkaan, Erik Prince waxa uu marti ku ahaa barnaamijka Head to Head ee uu daadihiyo Mahdi Xasan. Mahdi waxa uu Erik ku jaalenjigareeray su’aalo culculus oo ku saabsanaa legasigii Blackwater ay Ciraaq uga tagtay, qorshe cusub oo Erik Prince wato kaas oo ah in dawladda Maraykanku ku private-gareyso dagaalka Afgaanistaan kaddib na shaqada ay ciidanka Maraykanku Afgaanistaan ka hayaan lagu wareejiyo ciidanka Erik Prince dawladduna qandaraas ku siiyo (exit strategy) iyo taageerada uu Mr. Prince u hayo Donald Trump.

Guud ahaan intii uu barnaamijku socday Erik Prince marnaba ma uusan muujin wax jixinjix oo uu u muujinayo dadkii ciidankiisu dhibaateeyeen. Waxaa la yaab lahayd in uu dadka reer Ciraaq ku tilmaamay in ay yihiin “barbarian”. Waxa kale oo uu sharikaddiisi lagu eedeeyay in ay dalka South Sudan geysay hub sharcidarro ah.

Arrinta muhiimka ah ee igu dhalisay in aan qoraalkaan qoro waa mashruuca cusub ee Erik Prince wato kaas oo ah mid lagu PRIVATE-GAREYNAYO dagaalka Maraykanku ka wado dalalka Islaamka. Taas oo macneheedu yahay in Maraykanku lacag ku siiyaan sharikadaha calooshood u shaqaystayaasha ah sida tan Erik Prince in ay wadaan dagaalka Maraykanku ka wado Afgaanistaan halka ciidanka Maraykanka iyo kuwa Nato na dalalkoodi lagu celinayo. Erik Prince waxa uu hindsaha mashruucaan uu wato ku yiri “waxaan noqonaynaa sidii East India Company” dabcan waxa uu u la jeedaa sharikaddii Ingiriisku Hindiya ku qabsaday.

Sida aan ognahay gumeystayaashii reer Yurub waxa ay dalkeenna ku soo galeen qaabkaas ay Hindiya ku tageen markii hore: koofurta Soomaaliya Talyaanigu waxa uu ku soo galay sharikad la oran jiray V. Filonardi oo 1893 lagu wareejiyay maamulka Benaadir iyo The Commercial Company of Benadir oo maamulaysay 1898-1905. Ugu dambaynna Talyaanigu si toos ah ayuu u la wareegay koofurta Soomaaliya 1905 waxa ayna noqotay maxmiyad uu gumaysto.

Marka aad si dhab ah u daristid qorshaha Erik Prince hadalkiisana aad u fiirsatid waxaa kuu muuqana in uu u dhaqmayo sidii gumaystayaashii reer Yurub ee ee qarnigii 19aad dalkeenna qabsaday. Marka uu ka hadlayo Afgaanistaan iyo Ciraaq Erik Prince marnaba wax tixgelin ah siin uu maayo dadka dalalkaas iska leh waxa uuba u qabaa sidii in ay yihiin xoolo xero ugu xaraysan.

Qorshaha Erik Prince uu wato oo ah mid aad u khatar badan halisna ku ah dalal ay Afgaanistaan iyo Soomaaliya ka yihiin waa mid uu Mr. Prince taageero uga heli karo xukuumadda Trump waayo Erik Prince waxa uu xiriir dhow la leeyahay xubno sare oo ka mid ah maamulka Trump ayna ka mid yihiin wiilka madaxweyne Trump, Don Trump Junior, Jared Kushner oo ah ninka qaba Evanka Trump, Stephen Miller iyo xubno kale.

Waxaa kale Erik Prince iyo sharikaddiisa lug wayn ku leh dawladda Imaaraadka Carabta oo maalgelisay/sa hawlo badan oo Erik Prince iyo sharikaddiisu ka qabtaan dalal badan dagaallo ka socdaan sida Soomaaliya oo kale. Intii waraysigu socday Erik Prince dhawr jeer ayuu Soomaaliya carrabka ku dhuftay, sida mar uu dalka Seychells ku la kulmay xubno Imaaraadka Carabta ka socday iyo saraakiil Ruush ah. Kulankaas waxa uu dhacay 11 January 2017.

Erik waxa uu sheegay in uu kulkaan Imaaraadka kala hadlay arrimaha Soomaaliya. Waxaa kulankaas Erik ku wehliyay George Nader oo ah calooshood u shaqayste wayn oo Imaaraadka u adeega Soomaaliya na lugaha kula jira. George Nader waa Ameerikaan Lubaani ah lagu helay in uu carruur kufsaday. Nader waxa uu u kula dabqaadaa sharikadaha calooshood u shaqaystayaasha ah iyo maamulka Imaaraadka Carabta oo lacag badan ku bixiya caliishood u shaqaystayaashaas oo kala jooga Yemen, Soomaaliya iyo dalal kale.

Sharikadda Erik Prince ee Frontier Service Group waxa ay goobo tababar ka dhisaysaa gobolka Xinjiang (East Turkestan) ee galbeedka Shiinaha halkaas oo hal milyan oo muslimiin ahi ku jiraan xero lagu karantiilo dadka muslimiinta ah. Dabcan waxa ay qandaraas ka qaadatay xukuumadsa Shiinaha.

Erik Prince iyo qorshihiisa dagaallada Private-ka ah ee goor horeba qaarkood socdaan waxaa cad in uu yahay qorshe wajiyo badan leh kuwaas oo ay ka mid yihiin, ka lacageysiga dagaallada, burburinta iyo gumaynta dadka muslimiinta ah kaas oo ah mid ku daaban dawladda Yahuudda Imaaraadka iyo Erik na dallaaliin u yihiin.

Gunaanad – Sharikadaha calooshood u shaqaystayaasha ah ee lagu sheego “sharikado ammaan” waa dambilayaal ka ganacsada dhiigga dadka, waa maafiyo ka ganacsada maandooriyaha iyo daroogada, goobaha ay ka shaqeeyaan waxa ay ka geystaan dambiyo abaabulan iyo falal anshax xumo ah.

Ma ahan sharikado leh meel loo raaco haddii ay dambi galaan oo shruucea dalalka ay ka shaqeeyaan waa adag tahay in ay qabtaan. Sharikadahaani maadaama ay nabaddarrada lacag ka sameeyaan laga ma yaabo in ay nabad soo dabbaalaam waayi haddii nabadi dhacdo lacagtooda ayaa meesha ka baxaysa sidaas darteed nabadgelyo-darrada ayay sii faafiyaan. Dalkeenna Soomaaliya sharikadaani waa ka buuxaan (Saracen iyo bancroft) ayaa ka mid ah iyo kuwo kale.

Sidaas awgeed sharikadaani waxa ay qayb wayn ka yihiin dhibaatada sii dabadheeraanaysa ee Soomaaliya waxa kale oo halis ku yihiin madaxbannaanida dalka iyo dadka soomaaliyeed sidaas darteed waxaa dawladda Soomaaliya iyi dhammaan maamullada dalka waahib ku ah in aysan wax macaamil ah la yeelan sharikadahaan kuwa ay hadda la leeyihiinna si deg deg ku joojiyaan ku na amraan in ay dalka baxaan.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media