”Xaaladda Kismaayo xiddigaha ayay isku shareeri doontaa haddii aan…”

0

(Hadalsame) 26 Maajo 2019 – Doorashada Kismaayo khilaafkeedu kor ayuu kacay, wuuna sii kici doonaa, haddii aan xaqiiqada la garowsan.

Federaalku si siman ha ula dhaqmo doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Yuu damcin in uu mar kale noo dhigo oo ha ka ka waantoobo filim hore loo daawaday oo doorasho aawgeed dad Soomaaliyeed u diray safar aan laga soo noqoneyn. Qaar ka qaaday xorriyadda. Soomaali iyo saaxiibbadeedna ay isku si uga qeyliyeen.

Kismaayo ayada oo maanka ku haysa sida uu Dowlad Goboleedku ku dhismay, iyo cabashada beelaha degaanka qaarkood, waxa ugu yar ee laga aqbali karaa waa in inta wada joogta loo caddaalad falo oo doorasho lagu qanci karo ay dhacdo.

Kismaayo ma ahan in dhiig dambe ku daato!

Dadka xamaasadeysan ee xoog Soomaaliyeed iyo / ama mid shisheeye isku halleynaya waxaan xusuusinayaa in xoogga loogu baahi badan yahay oo yahay mid Gobolka lagu nabadeeyo oo ajnebi looga maarmo.

Waxaa kale oo dadka carcartooda qaba aan xusuusinayaa xikmadda murtidii caqliga ku dhisneyd ee uu ku luuqeeyey Kuluc.

“Alleylehe balaayooy, nin badbaado haystoo, kuu baahday adigoo, kuu baaqay waa nacas… Alleylehe belaayooy, baroor noqotay guushaa.”

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan

Hadalsame Media