Kenya oo carrabka ku dhufatay 4 ARRIMOOD oo uu ku dhaqaaqay RW Khayrre (Walaac?)

0

(Nairobi) 26 Maajo 2019 – Warqaadka Kenya kasoo baxa ee The Star ayaa maqaal dheer ka qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Soo noolaanshaha Somalia waa nasiino laga soo dhoweeyo Geeska Afrika.”

Waxaa qoraalka lagu bilaabay in RW Somalia, Xasan Cali Khayrre uu yahay siyaasi farsama yaqaan ah oo la magacaabay iyadoo ay jiraan caqabado malaayiin ah, kuwo dhaxal ah iyo kuwo dhow intaba.

Qodobbada uu tusmeeyay waxaa ugu waawayn:

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre oo ay ku tilmaameen nin shaqo yaqaan ah oo si wanaagsan oo cillad la’aan ah ula shaqeeyay Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo sameeyay isfaham aysan sameynin madaxdii iyaga ka horreeysay, taasoo guul wayn u noqotay Somalia.

Sidoo kale waxay sheegeen inuu Khayrre xiriir fiican la leeyahay dhammaan shaqaalaha rayidka iyo ciidammada Ammaanka Soomaaliyeed, waxaana isagoo kaashanaya dhammaan dadkaasi uu ku guuleystay in si Kumbiyuutaraysan loo diiwaan geliyo ciidanka Soomaaliyeed, mushaar joogto ahna la siiyo, waxaana meesha ka baxay shaqaalihii been abuurka iyo rooxaanta ahaa (ghost workers) ee aan jirin ee mushaarka iska qaadan jiray.

Waxay kaloo sheegeen in Khayrre uu riixayo siyaasad ku salaysan in dib loo qaabeeyo siyaasadda Somalia ee gobolka iyo midda caalami, isagoo sida ay sheegeen muujiyay inuu yahay nin la isku hallayn karo, taasoo ay ugu wacan tahay sida looga jecel yahay masraxyada diblomaasiyadeed ee dunida.

Wuxuu warqaadku arrintaa ku sifeeyay inay ka dhigan tahay, Soomaaliya oo dhibaatooyin badan oo ay soo martay kaddib ay haatan dib u soo ceshanayso booskeedii saxda ahaa ee ay ku lahayd masraxyada qurumaha caalamka.

Si kastaba, lama oga in Kenya ay arrintaa iyo soo kabashada Somalia ee ay dareentay u aragto halis istaraatiji ah oo kusoo fooggan, marka inta kaleba daayoo la eego lacagaha faraha badan oo ay ku qabto sharikaadka waawayn ee Somalia ka howlgelayay muddadii burburka oo ay kharash aad u fara badan ku qabtey/o.

Halkan ka akhri maqaal ku saabsan walaac ay Kenya ka muujinayso horumarka Somalia.

Waxaa Diyaariyey: Yaxye Y Khasaaro & Maxmed Xaaji

Hadalsame Media