DF Somalia oo durba bilowday DAGAAL QABOW oo ay ku qaadayso Kenya (Arag caddaynta)

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2019 – Kenya ayaa ayaa beryihii dambe dagaal ay weliba dad badani ka dayriyeen qaabka loo aloosayo ku qaadday DF Somalia.

Haddaba, DF Somalia oo mar kasta xaaladda dejinaysey ayaa haatan u muuqata inay sidoo kale ku dhex qarinayso dagaal qaboow oo ay Kenya ku qaadayso.

Waxaa la sheegay in maalin dhowayd markii uu MW Somalia u duulayay magaalada Pretoria ee caasimadda Koonfur Afrika inuu ka weecday inay dayuuraddiisu kusii hakato dalka Kenya gebi ahaanba, isagoo taa biddaalkeeda maray dalka Tanzania.

Iminka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha QM, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi.

Waxaa ay taa biddaalkeeda ugu baaqday in shirarkaas iyo siminaarrada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda iyo shaqaalaha Wasaaradda loogu fududeeyo safarrada.

Hadalsame Media