Maxaa ku dhex qarsoon SADARRADA? Itoobiya oo soo bandhigtay khariidad shaki abuurtay (Akhri qoraalka la socda)

0

(Addis Abeba) 26 Maajo 2019 – Waxaa barta rasmiga ah ee Wasaarad Dibadeedka Itoobiya lasoo dhigay khariidad laqday dalka Somalia, taasoo kaliya muujinaysa woqooyiga Somalia (Somaliland) oo gaar u taagan iyo koonfurta Somalia oo gebi ahaanba ka tirsan Itoobiya.

Waxaa kaaga sii daran in boggani uu yahay mid lagu dhigdhigayo wax lagu sheegay istaraatijiyadda cusub ee ay Itoobiya dibedda ku wajahayso, taasoo la dhaqan geliyey xilli ay Somalia dowlad ahaan burburtay oo ah 1991-kii.

Waxaa ku xusan in Itoobiya ay ila gaar ah u yeelanayso laba arrimood oo midi tahay nuglaanteeda gudaha, yacni sida ay u sahlan tahay inay iyadu is disho maadaama kala qoowmiyad tahay, iyo halisaha istaraajiga ee dibedda ka haysta, taasoo loo fasiran karo in halisahaa laga hor tago inta aanay Itoobiya soo gaarin, sida ay qabto aydholojiyadda siyaasadeed ee guunka ah ee loo yaqaanno Realism.

Markaas oo ay kugu soo dhacayso sidii ay Itoobiya u fashilin jirtey shirarkii dib u heshiisiinta lagu sheegi jirey ee Somalia loo qaban jirey iyo sida ay iminka u yara dhuumatay iyadoo gadaal ka taagan wax lagu sheegay maamullo sida sumad qabiil oo dalkii lagu shaqlay, kuwaasoo iminka ah caqabadda siyaasadeed ee ugu wayn gudaha Somalia, marka laga soo tago kooxda Shabaab, iyagoo haddii ay ogyihiin iyo haddii kaleba si toos ah u fuliya siyaasaddii ay beri iyadu fulin jirtey ee fashilinta dowladnimada Somalia.

Waxaa qoraalka ku xisan in Itoobiya aysan dal ahaan usii jiri doonin haddii aan la qaadanin hannaan ku dhisan dimoqraadiyad iyo horumarin dhaqaale, si wax looga qabto dib u socodka dhaqaale iyo faqriga kaba goyska ah ee haysta in badan oo ka mid ah dadkeeda, iyadoo lagu daray in tillaabo wax ku ool ah dhankaa loo qaaday 6-dii sanadood ee ugu dambeeyay. Yeelkeede, ay wax badani harsan yihiin.

Dhanka xiriirrada dibedda, waxaa ku xusan qoraalka saaran Wasaaraddan, in ay Itoobiya qalinka ku aastay hirgelinta siyaasad ku dhisan inay dalalka oo idil la samaysato xiriir ku dhisan iskaashi ka tarjumaya dano isku xiran, iyadoo sheegatay ama marqaati ka dhigatay inay dalalka deriska ah xiriir daacadnimo ku dhisan la lahayd 2-dii 10 sanaale ee ugu dambeeyay (20 sano, iyadoo la raacayo isla mabaadii’da cusub ee la qaatay 1991-kii.

Kaddib wuxuu qoraalku ka hadlayaa xiriirka dalka Masar iyo qaybsiga biyaha Niil, balse khariidaddii Somalia ku daraysey Itoobiya haatan waa laga saaray bogga, mana jirto sabab ay Itoobiya ugu khaldami karto arrintaa.

Ma wax baa nala sii tusayaa? Maxaa naga dahsoon oo aanay dadwaynuhu ogayn? Madhici kartaa inuu khalad intaa la egi ka dhici karo Wasaarad Dibadeedka dal guun ah? Waqtigaa ka jawaabi doona!

Tifaftirka: Hadalsame Media