LA YAAB: ”Salaadda ayaan cidlada isku dhaafin jirey!” – Wasiir ay xirtey Dowladdii Millateriga ahayd

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2019 – Waagii kacaanka, dad badan ayaa siyaasad loo xiray. Qaar aan markii hore wadaaddo ahayn, ayaa xabsiga wadaaddo ku noqday. Keligaa adoo qol ku xiran yaa shiikh kuu noqonaya oo wax ku baraya? Labdan sheeko bal eeg:

1 – Nin kacaanka Wasiir u ahaa 2012kiina isu sharraxay Madaxweyne ayaa isagoo dhammaadkii 1970aadkii Xamar dhex maraya waxay is arkeen nin saaxiibkiis ah oo ka mid ahaa maamulkii gobolka Banaadir xoogaana xabsigii lambar 50 ku xirnaa oo la soo cafiyey. Wuxuu ku yiri maalin dhaweyd shir ayaa laga sheegayey in wasaaraddaada aan subixii laga qaadin heeska ‘Guulwadoow Siyaad’.

”Saaxiiboow anigaa xabsi ka soo baxay dadkii xabsiga ku jireyna saddex ayey u kala baxeen; qaar wadaaddo noqday, qaar waashay iyo qaar kacaan noqday. Adigu waa ku aqaan oo kacaanna noqon maysid wadaadna noqon maysid ee intaad waalan lahayd iska qaad ‘Guulwadoow Siyaad!’. Wasiirkii in yar ka dib waa baxsaday.”

2 – Nin ayaa ii sheegay inuu booqday wasiir kale oo ay qaraabo ahaayeen oo habeenkaas xabsi dhawr sano ah ka soo baxay. Wasiirku markii hore wuxuu ahaa dadka aad ula dhacsan Hantiwadaagga oo diin badan ma aqoon laakiin cidaldii xabsiga ayuu is yiri diinta u noqo.

Wuxuu yiri “waxaan cidlada isku dhaafin jirey salaad oo wixii iga tegey oo dhan waan soo qalleeyey, waalidkay wixii lagu lahaana waa ka tukaday oo xataa dhawr sano oo soo socota salaaddoodii waa sii tukaday!” Wasiirkaas ilaa hadda nolol ayaan ku ogaa laakiin dib siyaasad uma gelin.

Qofka marka noloshii uu la qabsaday si degdeg ah looga saaro inuu nolol cusub la qabsado isagoo keligiis ah waxaa ka dhalan kara inuu si qalloocan wax u fahmo.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media