Sida ay Sirdoonka Yuhuuddu u dileen Samiira Muusa, hooyadii hubka nukliyeerka ee Masar (Sidee loo khaarajiyey)

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2019 – Samiira Muusa waxay ahayd caalim dhanka atoomikada ah (nuclear scientist) oo u dhalatay dalka Masar, shahaadada diirimaadka gaaska iyo qul qulka shucaaca ayey ka qaadatay Jaamacadda Manchester ee Dalka ingiriiska. Waxayna ka qayb aheyd culimadii Carbeed ee hay’adda Sirdoonka israel ee Mossad ay u dishay aqoonta ay u lahaayeen quwadda atoomikada darteed.

Sannadkii 1948, markii lagu dhawaaqay dowlad Israel leedahay, Samiira waxay dhidibada u taagtey Hay’adda tamarta atoomikada, iyadoo safar dhanka dibadda ah ugu baxday dalka Maraykanka si ay usoo sameyso baaritaano dhanka atoomikada ah.

Xilli ay howlaheeda baaritaanka ka wadato jaamacad ku taalla gobolka Missouri ee dalka Maraykanka, ayaa laga codsay in aysan dibadda aadin oo ay ka shaqeeyso gudaha waddanka Maraykanka, qorshahaa isaga ahaana waa ay ku gacan seyrtay.

Maalmo kaddib inta aysan u soo dhoofin dalkeeda Masar, waxaa lagu casuumey shir ka dhacayey California, balse intii ay jidka kusii jirtey wuxuu gaarigeedii yaraa ka dhacay joog dhan 40 cagood, halkaana ayey naf baxday maydkeediina lagu tuuray meel biyo mareen ah.

Baaritaan la sameeyey ayaa lugaha la galay in Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad ka dambeysay dilka Samiira. Waase kiis ilaa maanta loo sawiro sidii ”shil” iyadoo la iska indha tirayo xaqiiqooyinka ku xeeran.

israel na dilka Samiira waxa ay kaga gaashaamaneysay in aqoonteeda tiknoolijiyadeed ula duusho dhanka dalkeeda hooyo ee Masar, taas oo ay israel u arkaysey dhibaato istaraatijiyadeed oo kusoo fool leh.

Samira Muusa, waxay noolayd intii u dhaxaysey 1917 ilaa 1952-kii oo ah goortii ay geeriyootey ee la khaarajiyay.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax iyo Maxamed Xaaji

Hadalsame Media