Kenya waxaa WERWERINAYA mustaqbalka widhwidhaya ee Somalia (Wax miyay tari kartaa Somaliland?!!)

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2019 – Soomaaliya waxa ay mudo kooban lasoo bixi doontaa Shidaalkeeda, waxaana jirta Cabsi xoogan oo Afrikaanka badankiisa haysa. halka dalalka Carbeed ee shidaalka hore ulahaa qaarkood isku daykasta oo Soomaaliya halis gelin karaayey ay ku guuldaraysteen.

Kenya waxaa sidda Dayaxa ugu muuqda Mustaqbalka widhwidhaya ee Soomaaliya kusoo wajahan, toddobaadyo kahor Uhuru Kenyata wuxuu isku siidaayey waddanka China si’uu inuun uga helo hiil caqabad kunoqda Soomaaliya waa’se kasoo waayey.

Halkii ugu dambaysay ayay ka maraysaa Dawladda Kenya oo xiligan waxayba Culayska saaraysaa sidii ay u beerlaxawsan lahayd maamulka Somaliland, kadib markii Caalamku gardarada Xeebta Soomaaliya ku gacan siin waayey.

Ethiopia ayaan sinaba dhaqdhaqaaqa Kenya ee kuwajahan kala qaybinta Soomaaliya u aqbali doonin, sababtoo ah Ethiopia cabsida ugu daran waxay ka qabtaa kacdoon qadiyad doon ah oo ka kaca Soomaalida Jigjiga oo ah dhulka dihin ee xiligan shidaalkiisi dibbeda yaalo.

Dhanka Kale Gaarisa ayaan iyana ah Caqabad kale oo buur ku ah in Kenya isku daydo kala qoqobka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya oo dhawaan yimi maamulka Somaliland wuxuu khudbad uu ka jeediyey u sheegay in aanu jirin dal Afrikan ah oo haba yaraate awood u leh iskadaa inuu aqoonsadee xataa inuu kala shaqeeyo.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Terra

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media