DAAWO: ”Waa isa soo dhiibayaa haddii aan helo 20-kun oo ”LIKE” – Nin booliiska kula xaajoodey shuruud la yaab leh (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Connecticut) 25 Maajo 2019 – Nin ay booliisku baacsanayeen oo eedaysane ah ayaa la yimid dalab la yaab leh, wuxuu booliiska kula xaajoodey inuu isa soo dhiibayo, balse loo fuliyo hal shardi.

Waa in sawirkiisa lasoo saaraa bogga ay booliisku ku leeyihiin barta Facebook, balse waa in la saaraa 20,000 oo ”like”.

Jose Simms, 39 jir, ayaa markii dambe wada xaajood dheer kaddib wuxuu Booliiska Gobolka Connecticut Police Department kula heshiiyay inuu ka dhimayo ilaa 5,000 oo ”like”, iyaguna waxay ogolaadeen 15,000 oo ”like”.

Xiddigle Brett Johnson ayaa sawirkii Arbacadii soo dhigay bogga ay booliisku ku leeyihiin Facebook, balse waloow uu boggaasi gaarey in ka badan 30,000 oo ”like”, Simms il lama saarin-

“Mr. Simms weli isma soo dhiibin, waan raadinaynaa waxaana filaynaa in aan arrintiisa xal u helno,” ayuu ku yiri 7NEWS.com.au.

Hadalsame Media