DAAWO: Raakhiya Ismaaciil, gabar Soomaaliyeed oo RIKOODH ka dhigtay dalka Britain

0

(Islington) 25 Maajo 2019 – Gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Raakhiya Ismaaciil ayaa rikoodh ka dhigtay dalka Britain.

Waxay marka laga yimaado in ay noqotay gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreeysey ee abid duq magaalo ka noqota dalkaasi, ay sidoo kale tahay gabadhii ugu horreeysey ee xilkaa qabata iyadoo xijaaban.

Raakhiya ayaa 16-kii Maajo loo doortay duqa magaalada Islington, oo ku taalla London – kaasoo ah xil munaasabadeed ay xafladaha uun kaga qayb gasho, balse iskii muhim u ah.

Halkan hoose ka DAAWO waraysi ay BBC-du ka qaadday.

Hadalsame Media