DAAWO: ”Waannu la kulmaynaa ciddii ”jiritaankeenna” ogol!” – Faysal oo ka hadlay ujeedka kulankii Guddoonka X Wadajir

0

(Nairobi) 25 Maajo 2019 – Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah wefdi ka socda Somaliland oo maalmihii dambe joogey magaalada Nairobi, wax loo fahmey qorshe ay Kenya ku coocinayso DF Somalia ayaa ka hadlay sawir aad u xulayey baraha bulshada oo ku saabsan kulan dhexmaray iyaga iyo Guddoonka Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wuxuu sheegay inay la kulmayaan cid kasta oo ogol jiritaanka Somaliland. ”Annaga qofkii ay danta Somaliland nagaga xiran tahay, oo qaddiyadeenna fahamsan, xaalad inkiraad ahna aan ku jirin waannu soo dhowaynayaa.” ayuu yiri Faysal oo ah Guddoonka Xisbiga UCID ee ka jira Somaliland.

”Weliba waxaannu jecel nahay xisbi ahaan inaan gebigoodba ku casuunto Hargaysa oo aannu tababarro siinno kaddibna aannu ka wada sheekaysanno sidii Somalila-Somaliland loo kala dhamaystiri lahaa.” ayuu raaciyay.

Halkan hoose ka daawo…

Muuqaalka: Universal TV

 

Hadalsame Media