QM oo muujisay inay Somalia ka leedahay qorshe fog (Ergay khabiir ah)

0

(Muqdisho) 24 Maajo 2019 – Hay’adda QM ugu qaybsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP ayaa wakiil cusub usoo magacowday xafiiska wayn ee ay hay’addaasi ku leedahay magaalada Muqdisho.

Jocelyn Mason, ayaa ku biiraya xafiiska Xamar isagoo kasoo xirxirtey dhanka xafiiska UNDP Afghanistan halkaasoo uu ka hayey xil la gudboon midka uu haatan ka qabtay Somalia.

“Wuxuu qabanayaa howlaha horumarinta ee lagu kaalayo DF Somalia iyo dadka Soomaaliyeed, si loo waafaqo qorshayaasha horumarineed ee dalka, loolana macaamilo dhibaatooyinka abaaraha ay keenayaan xasaradaha dhanka cimilada la xiriira,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’addan.

Mason oo 20 sano hay’addan iyo howlaha horumarinta ah kasoo shaqaynayay ayaa xilka kala wareegaya George Conway, kaasoo muddo 6 sanadood ah fadhiyay xafiiska Muqdisho, isagoo sidoo kale ahaa wakiilka Xoghayaha QM ee dhanka howlaha aadminnimada ee Somalia.

Arrintan ayaa muujinaysa in ay QM qorshe fog ka damacsan tahay Somalia, iyadoo bixisa inta badan mushaaraadka hay’ado kala geddisan oo ka tirsan DF Somalia iyo barnaamijyo kale, waana hay’ad muhim u ah Somalia inta ay cageheeda isku taagayso.

 

Hadalsame Media