RW Theresa May oo ku dhawaaqday inay xilka ka degeyso + Sawirro

0

(London) 24 Maajo 2019 – RW Britain, Theresa May, ayaa ku dhawaaqday inay xilka xisbigeeda iyo tan dalkaba ka tegi doonto kaddib markii ay mucaaradad baahsan kala kulantay isla xisbigeeda Muxaafidka ee Tory-ga oo kaga hor yimi siyaasadeeda Brexit.

May oo soo qortay farriin dareen xambaarsan, ayay iyadoo ku sugan Downing Street oo ay wehliyaan duqeeda Philip iyo dadka la shaqeeya waxay ku dhawaaqday inay xilka hoggaamiyaha Xisbiga ka degeyso Jimce, 7-da Juun, halka ay xilka RW sii hayn doonto oo qura inta uu xisbigu ka keensanayo qofkii iyada bedeli lahaa.

Warka May ayaa imanaya kaddib kulan ay saaka oo Jimce ah la qaadatay Guddoonka Xildhibaannada Xisbiga Muxaafidka ee 1922 Md Sir Graham Brady.

‘Waa dadaaley intii karaankayga ah,’ ayay tiri. ‘Waxaan se abid ka shallaayi doonaa inaanan hirgelin siyaasaddii Brexit.’ ayay daba dhigtay.

Britain ayaa siyaasad jahawareersan qoor qooraysatay tan iyo markii ay u codaysay inay ka baxday Midowga Yurub, balse haatan uma muuqdaan dal Yurub ka baxay ama ku jira midna.

Hadalsame Media