”WAA KAN!” – Ronaldo oo cinwaankiisa lasoo helay & maxkamadda oo looga yeerayo + Sawirro

0

(Torino) 24 Maajo 2019 – Jookarka kooxda Juve ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa in maxkamad looga yeero kaddib markii ay qarreennada u doodaya gabadha uu kufsiga ugu eedaysan yahay ee Kathryn Mayorga, ay soo heleen cinwaanka uu ka deggan yahay Talyaania.

Qannaaska Juventus ayaa aalaaba beeniya eedda kaga imanaysa gabadhan Mayorga oo uu afaarohoodu ka dhacay hoteel 5-xiddigood ah oo ku yaalla magaalada Las Vegas 10 sanadood kahor.

Booliiska Maraykanka ayaa kiiska dib u furay bishii Oktoobar iyadoo ay Qarreennada Mayorga ay ugaarsanayeen cinwaanka ciyaaryahankan reer Portugal tan iyo xilligaasi.

Sida uu qorayo warqaadka the Mirror, waxaa laacibka oo cinwaankiisa qarinayey laga soo helay diiwaanka guud ee dowladda Talyaanigu geliso hantida ma guurtada ah ee dalkaasi.

Mayorga ayaa ku dacwiyaysa inuu Ronaldo ku kufsaday hoteel qaali ah oo ku yaalla caasimadda qamaarka Las Vegas, isagoo deeto siiyay lacag dhan £295,000 oo uu aamuskeeda uga iibsadey, taasoo ay sheegtay inay aqbashay maadaama ay cabsi dareentay, sida ay tiri.

Hadalsame Media