DF Somalia oo keentay caqli ay ku ciqaabayso Kenya (Tillaabo cusub)

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2019 – Warar aanu iminka heleeyno oo madaxtooyada ku dhow ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aansatay in dhamaan shirarka, kulamada iyo siminaarradii ka dhici jiray magaalada Nairobi loo wareejiyo magaalooyinka kale ee gobolka sida Kampala, Kigali, iyo Addis Ababa.

Wasaaraddaha DF Somalia ayaa hadda lagu wargeliyay inay hay’adaha ee ay shaqo wadaagta yihiin ee caalamiga ah arrintan cusub la socodsiiyaan.

DF Somalia ayaa arrintan uga dabaaqaysa bahdilkii beri dhowayd lagula kacay madax ka tirsan DF oo ay dowladda Kenya dal-ku-galka u diiday, kuwaasoo ka koobnaa Wasiiro iyo Xildhibaano shir ku lahaa Nairobi.

Yeelkeede, DF Somalia ayaan mas’uuliyad
Badan iska saarin silaca joogtada ah ee soo gaara shacabka caadiga ah kuwaasoo aad loogu dhibo garoomada iyo guud ahaanba Kenya iyo xitaa gobollada ay Kenya joogto ee Somalia.

Hadalsame Media