DF Somalia waa inay caalamka la kaashataa sidii ciidamada Kenya dalka looga saari lahaa

0
An officer from the Kenyan Contingent of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) looks through binoculars during an advance on the Somali port city of Kismayu, in this handout photograph taken October 2, 2012 by the African Union-United Nations Information Support Team and released October 3, 2012. African Union troops and tanks occupied al Shabaab's former stronghold of Kismayu on Tuesday, but the Somali Islamist militants gave notice of their intention to fight back, saying they detonated a bomb in the port city. MANDATORY CREDIT. REUTERS/African Union-United Nations Information Support Team/Stuart Price/Handout (SOMALIA - Tags: MILITARY POLITICS CIVIL UNREST CONFLICT) FOR EDITORIAL USE ONLY. NOT FOR SALE FOR MARKETING OR ADVERTISING CAMPAIGNS. THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS

(Hadalsame) 23 Maajo 2019 – Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in ay u sheegto Midawga Africa in aan loo baahnayn ciidanka Kenya in ay ka sii mid ahaadaan ciidamada AMISOM. Kenya, waxay waddaa olole  ay rabto in ay xoog kula wareegto badda Soomaaliya, xitaa haddii maxkamadda Hague ay Soomaaliya u xukmiso badda ay Kenya ku haysato soomaaliya.

Ciidanka Kenya oo markii hore si iskood ah ku soo galay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo sanadkii 2011 iyagoo ku marmarsiyooday in ay Shabaab la dagaallamayaan waxay sanad kaddib codsatay Kenya in ciidankeedu ka mid noqdeen ciidanka AMISOM si ay mushaar u helaan maadaama ay ku adkayd dhaqaale ahaan in Kenya ciidankeeda ku sii hayso Soomaaliya.

Haddii Dawladda Soomaaliya ay qaadato tallaabo geesinmo leh, waxaa ku adkaan doonta Kenya in ay sii joogto Soomaaliya.Sinnaba suurto gal uma ahan in dal muran kaala dhaxeeyo uu danahaaga ka shaqeeyo oo ciidankiisu ay sii joogaan dalkaaga adiga oo heli kara fursad aad isaga saari karto.

Siyaadaha looga guulaysan karo Kenya ee Dawladda Soomaaliya qaadi karto waxaa ka mid ah:

  1. In la joojoyo daroogada khaatka ee maalin kasta laga soo dajiyo dalka. Ugu yaraan waxaa dalka ka soo dega 15 diyaaradood oo wada jawaanno darooga ah, waxayna la laabtaan afar boqol oo kun oo dollar ($400,000) maalin walba. Joojintu waa in ay noqotaa mid kama dambays ah oo aan laga laaban.
  2. Tan labaad waa midda aan kor ku soo sheegaye waa in ciidanka Kenya laga saaro ka sii mid ahaanshaha AMISOM. Haddii dawladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay Nicholas Haysom, ergaygii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sidee ugu adkaan kartaa in Soomaaliya cod dheer ku dhahdo ma doonayno ciidanka Kenya.
  3. In Soomaaliya ay codsato in shirarka lagu qabto Nairobi ee quseeya arrimaha Soomaaliya laga wareejiyo halkaas oo lagu qabto meel dhexdhexaad ah.

Dhammaan tallaabooyinkaas waxaa la qaadi karaa iyadoon xiriirka diplomaasiyadeed loo jarin Kenya, haddii aysan iyadu dooraan sidaas. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa waad baahanthay baqtiga looma cuno.

Ugu dambayn, marka laga soo tago muranka badda, ciidanka Kenya waxay dhibaatooyin badan u gaystaan shacabka Soomaaliyeed, kamana amar qaataan taliska AMISOM. Dhibaatooyinkaas, waxaa ka mid ah in ay duqeyn iyo bur burin joogta ah u gaystaan shirkadaha isgaarsiinta dalka iyo laynta dad rayid ah oo aan wax dambi ah galin. Waxaa la gaaray waqtigii ay Soomaaliya iska qaban lahayd cadowga saaxiibka iska dhigaya.

Waxaa Qoray: Axmed Nuur Ugaas

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media