Ciidamada Amaana oo goor dhow Guriceel ku qabtay nin kale oo la ”socdey” ninkii saaka la qabtay

0

(Guriceel) 23 Maajo 2019 – Wararka Hadalsame kasoo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay nin kale oo la sheegay inuu la shaqaynayey nin saaka la qabtay isagoo xiran suumanka qaraxa oo dhex taagan munaasabad magaalada ka jirtey.

Warku wuxuu sheegayaa in ninkan laga qabtay meel lagu xusayey ciidamadii kooxda Ahlu Sunna iyo shacabka magaaladaasi uga dhintay iska dhicinta kooxda Al Shabaab, isagoo xiran walxaha qarxa oo goobta isku miidaamin lahaa.

Ciidamada amaanka ee Guriceel ayaa la sheegay inay ninkan cusub magaalada kasoo dhex qabteen isagoo ku dhuumaalaysanaya, kaasoo haatan su’aalo lagu waydiinayo saldhigga magaalada.

Magaalada Guriceel ayaa horraantii 2009 xoog looga xoreeyay kooxda Al Shabaab iyadoo ay mudadaa wixii ka dambaysey ay ka talinaysey kooxda Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo haatan ku biirtay maamulka Galmudug garabkiisa Dhuusamareeb.

Hadasalsame Media