DEG DEG: Nin isku qarxin rabey munaasabad ka socotey GURICEEL oo la qabtay + Sawirro (Dadwaynihii oo garaacay)

0

(Guriceel) 23 Maajo 2019 – Wararka Hadalsame kasoo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay nin doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad magaalada ka jirtey.

Warku wuxuu sheegayaa in ninkan laga qabtay meel lagu xusayey ciidamadii kooxda Ahlu Sunna iyo shacabka magaaladaasi uga dhintay iska dhicinta kooxda Al Shabaab, isagoo xiran walxaha qarxa oo goobta isku miidaamin lahaa.

Ninkan ayaa la sheegay inuu usii dhowaanayay qaybta ay fadhiyaan saraakiishii sare ee munaasabadda soo xaadirtay, waxaana la sheegay in la legdey oo dhulka lagu jiidey kaddib markii laga furay suunkii uu xirnaa.

Dadwaynaha ayaa dabeeto markii ay ka war heleen jirdil u gaystey ninkii waxaana goobta ka wadey ciidamadii goobta joogey.

”Shakhsiga sitey walxaha qarxa ee ciidamadu qabteen ayaa noo jirsadey bahdeena warbaahin wax Ka yar afar tilaabo Mar qura ayaan aragney qof soo ordaya oo xabadka taabtey ilaa labo jeer waxaana isla markiiba ku boodey wiil askarta ka tirsan oo dib u tuuray.”

”Shakhsiga la qabtey markaa aad u faruuryo qaniinsanayay kadibna tiro kale oo ciidamo ah ayaa ku xoomey oo ka furay jaakada uu sitey oo u qarxi waysey sida saraakiishu sheegtay Ciidamada ayaa ruuxan u qaatey xarunta ciidanka ee Guriceel waxaana waqtiga isku daygu dhacey goobta ka istaagey oo gawaarida raaci rabey madaxda ka qayb gashey munaasabada shuhadada Alle mahadii si walboba.” Waxaa Hadalsame u sheegay boggiisana ku qoray Cabdulaahi Warsame Rooble oo ah weriyaha Somalia TV uga soo warrama halkaasi.

Cabdinuur Caanageel, Weriyaha Hadalsame, Dhuusamareeb

Hadalsame Media