”WAA IDINKA WAREERTAY!” Imisa ayay Somalia qaadi kartaa dhibka ay ku hayaan Kenya iyo UAE, aaway hoggaankii? (KU: Farmaajo & Khayrre)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2019 – Dastuurka dalka wuxuu idin farayaa inaad ka difaacaan dalka Soomaaliya cadawga gudaha iyo dibadaba. Waxaad haaystaan fursado aad u wanaagsan ee aad si sahal aad uga guuleeysan kartaan Kenya iyo Emaratiga oo caqabad ku noqday dalkeena, waa hadii aad fahansan tihiin dariiqa loo maro.

Waxaa idinka muuqda kalsooni xumo, fahan la’aan iyo cabsi, taasna ma aha mid lagu noqon karo hoggaan dalka Soomaaliya maanta uu baahan yahay si looga badbaadiyo luggooyada lala damacsan tahay.

Ma haysataan dad aqoon u leh arimaha diblomaasiyadda, sharciyada iyo qaynuunka caalamka, waxaad dalkaan wasiirro uga dhigateen xildhibaanno aqoontu ku yar tahay oo aan og nahay sida ay ku yimaadeen, waxaad ku mashquusheen mucaarad aan waxba ahayn ee laga soo abaabulay dowladahaas, halkii aad xooga saari lahaydeen wax qabad iyo gaarsiinta adeega dowladnimo shacabkeena dhibaateeysan.

Runtu waxay tahay in wax badani idinka khaldan yihiin, haddaad saan ku socotaan oo aadan badalin istaraatijiyadda, oo aadan helin aqoon iyo talo wanaagsan, waxaa hubaal ah inaad na khasaarin doontaan, idinkuna ku ceeboobi doontaan.

Ku kalsoonaada shacabkiina, cabsida iyo kalsooni xumadda iska daaya ee dalkaan ka difaaca cadawga.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Aragtida qoraalkani waa mid u gaar ah qoraha ku saxiixan

 

Hadalsame Media