”Kenya oo muruqeeda muujisey!” – Daily Nation (Shacabka Kenya oo jawaabo lama filaan ah ka bixiyay)

0

(Nairobi) 22 Maajo 2019 – Waxaa markale taagan xiisad ay Kenya abuurayso oo ay ku juqaynayso dalka Somalia, iyadoo markan dal-ku-galka u diiddey balse markii dambena u hadashay sidii inaysan arrinta dhanba la soconin.

Wargayska wayn ee Daily Nation ayaa Facebook soo dhigay qoraal ku dhigan wargayska caadiga ah oo uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo muruqeeda ku muujinaysa muranka Somalia.”

Yeelkeede, dadkii Kenyan-ka ahaa ee ka jawaab celiyay ayaa maadba ka dhigtay cinwaanka halkii ay si kale uga jawaabi lahaayeen. Hoos ka eeg jawaabaha.

Kevin Mutisya ”Dad ayaan maanta joornaalka gadan doonin waayo sawirka Baba (Raila) wuxuu ka yar yahay midka Waiguru.”

Richard Cheruiyot ”Maan ciidamada KDF kala soo baxno.”

Mung’atia Gikunda ”Kenya inaad dadka ka musuq badan tahay waxay ku siinaysaa fursad badan oo aad wax ku xukunto.”

Robert H. Wanga ”Arrintani ma waxay ku saabsan tahay xadka Somalia-kenya mise Waiguru?”

Hameed Loic QuerevaluWaxaan u maara la’nahay dahabka beenta ah ee ay nagu haystaan sheekhyada Dubai, misna waxaan ICC u joognaa inaan qalin shubanno saliidda Somalia, aan taxaddarno haddii kale xitaa xubneheenna taranka waxaa lagu xaraashi doonaa Tanzania.”

Mary Musungu ”Waa mid doqonnimo ka badan inay Kenyan-ku doortaan dad awood u buka oo dhuuni ah oo ay taariikhda ugu jirto xatooyo inay dalka hoggaamiyaan.”

Terry Mogoi ”Haddii ay Uhuru iyo Ruto ay Kenya gurguurad badeen, Ruto iyo Waiguru caloosha ayay u dhigi doonaan.”

Isku soo duuboo dadka Kenyan-ka ihi umaba shidnayn sheekada Somalia iyo Kenya oo ah CINWAANKA ugu wayn ee wargayska ku qoran, balse waxay danaynayeen inay ka hadlaan sida ay Madaxwayne Xigeen ku noqon karto Anne Mumbi Waiguru oo ah 47-jir haatan barasaab ka ah ismaamulka Kirinyaga County, Kenya.

Hadalsame Media