Dal horumarkii horta waa lagu riyoodaa kaddib baa la helaa (Maxay Somalia ka baran kartaa South Korea?)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2019 – Park Chung-hee wuxuu ahaa Jeneraal xukumay dalka koonfurta Korea 1963 ilaa 1979 oo nin saaxiibkiis ahaa toogasho ku diley. Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa keligii taliye adag, hayeeshee waxaa kaloo loo qirsan yahay inuu dalka koonfur korea u horseeday iney noqoto dal xagga sancada ku hormara.

Xilligiisa ayey si fiican adduunka u soo galeen shirkadaha S. Korean-ka ah ee adduunka hadda haysta: Samsung, LG, Hyundai, iyo kuwa kale.
1964 ayuu booqday dalka Jarmalka. Wuxuu arkay jidadka waaweyn ee loo yaqaan (Autoban) ama (Highway) ee jarmalku ugu horreeyey.

Markii uu dalkiisa ku soo noqday wuxuu ku feegaari jirey warqadaha miiskiisa yaal in uu ku sawiro jid highway ah oo dalkiisa koonfur ilaa waqooyi isku xira. Hayeeshee dalkiisu markaas waa sabool, dakhliga qofka sanadkii waa 140$.

Wuxuu hammigaa iyo riyadaa qabo, sanadkii 1967 wuxuu ballan qaaday inuu dhiso jid high way ah oo isku xira caasimadda seoul ilaa Busan caasimadda labaad, oo ah 428 km. Iyadoo aaney khasnadda dawladda 1 doolar ku jirin.

1968 wuxuu amray ciidamadu iney dhisaan kilomitradii u horreyey, maalin walbana wuu dultaagnaan jirey, ka dibna shirkadda Hyundai ayaa jidkii fulisey, muddadii ugu gaabnayd oo jid sidaasa lagu dhiso oo noqotay 2 sano oo keliya!

1970 wuxuu Park Chung-hee furay jidkaas oo noqday 428km, 305 buundo, 12 tunnel, iyo in ka badan 20 magaalo oo muhiim ah inuu maro! Waddankana ilaa maanta (50 sano ka dib) halbawle u noqdo, trilliyoonaad lacagana khasnadda ku shubo sannad walba.

Waddan waa lagu riyoodaa! Markaasaa la helaa! Haddii kale weligaa qabiil hebel baa laga tegey ag fadhi!!!

Salayn: Park oo kali talis ahaa waxaa xarunta hay’adda Sirdoonka dalkaasi ee KCIA lagu khaarajiyay Oktoober 26, 1979, xilli uu halkaa uga qayb gelayey casho sharaf, waxaa sidoo kale lala diley darawalkiisii iyo 4 ilaalinaysay, iyadoo dilkiisa inta badan lagu sheego mid aan horay u qorshaysnayn, balse dood goobta ka dhacday uun ka bilowday (impulsive).

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media