Nama taqaannaan!” – Huawei oo sheegtay in aanay u joojin doonin weerarka lagu qaaday!

0

(Beijing) 21 Maajo 2019 – Huawei ayaan u joojin doonin tillaabada uu Maraykanku ugu daray liiska madoow taasoo sharikaddaa ku adkaynaysa inay badeecadeeda keento suuqyada Maraykanka, sida uu sheegay ninka sharikadda aasaasay ee Ren Zhengfei kaasoo sheegay in maamulka Trump uu “yaraysanayo awooddooda.”

“Hannaanka Huawei ee 5G arrintani ma saamayn doonto” ayuu yiri Ren oo saxaafadda Shiinaha ugu faanay in sharikaadka kale ay ugu yaraan 2-3 sanadood ku qaadan doonto in ay gaaraan tiknolojiyadda 5-G.

Wuxuu sheegay in muranka 90-ka cisho soo taxnaa ee keenay in markii dambe liiska madoow lagu daro sharikaddiisa, taasoo keenaysa inaysan la ganacsan karin sharikaadka Maraykanka aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin shirkadda Huawe. “Waxaan nahay diyaar.” ayuu yiri.

Huawei ayaa cashar ka qaadatay sharikadda isgaarsiineed ee Chinese-ka ah ee ZTE oo sidan oo kale liiska madoow loo geliyay kaddibna markii ay ku adkaatay inay la macaamisho sharikaadka Maraykanka isu dhiibtey DF Maraykanka kaddib 4 bilood oo howl la’aan ah iyo  $1 bilyan oo khasaare ah.

Si taa ka duwan, Huawei waxay tan iyo 2012 diyaarinaysay inay yeelato barnaamij howldeed (operating system) ay iyadu leedahay si ay uga maaranto ku tiirsanaanta Google Android oo haatan laga xirtey, waxay kaloo haatan diyaarsataa 50% chips-ka ay ku shaqeeyaan telefoonnada ay soo saarto.

Hadalsame Media