Xeelad wayn oo ka dambaysa xasaradda Kenya (DF oo fahamsan & cillad jirta)

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2019 – Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay aad u karaarinaysa wax lagu tilmaamay “dagaal doqomeed” ay u caddaysatay dalka Somalia, iyadoo ilaa iminka qaadday dhowr tillaabo.

Yeelkeede, dadka arrimahan u dhuun daloola ayaa fahamsan in ujeedka Kenya uu yahay in Somalia lagu dirqiyo inay iyaduna jawaab bixiso kaddibna marka ay xaaladdu xasaasi noqoto ay ku baaqdo siyaasad ah “hanaloo dhex galooy!”

Kenya oo beryahanba waddey wada xaajoodyo ay la qaadanayso ururro caalami ah iyo dalal kala duwan si ay Somalia ugu sawirto dal kusoo “gar darrooday” ayaa geedo badan u saaran in xeer jajab lagu dhameeyo dhul badeedka Somalia ee ay sheeganayso kaddib markii ay kitaabkeeda akhrisatay ogaatayna inaysan Somalia uga gar heli doonin Maxkamadda ICJ ee Hague.

DF Somalia oo aannu arrintaa kala xiriirney ayay saraakiil ka tirsani noo sheegeen inay arrintaa fahamsan yihiin, balse ay doonayaan inaysan ku dhicin dabinka Kenya, iyagoo noo sheegay in Kenya ay ku filan tahay:

1 – Ilaha xog is dhaafsiga amaanka oo laga xirto

2 – Qaadka oo la joojiyo

3 – Ciidamadooda oo dalka laga cayriyo

Yeelkeede, waxay sheegeen in ay ka dhur sugayaan go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, inta ka horreeysana ay taxadarayaan.

CILLAD JIRTA

Ha yeeshee waxaa jira dad qaba inay Kenya khalad u fahamto aamuska badan ee DF Somalia, taasina ay dhaliso inay kusii dhiirradaan ficillo kale oo bahdil iyo dhib ku ah Somalia.

Waxaa kaloo jirta in shacabka Soomaaliyeed oo aysan intooda badani isku si wax u fahmaynin ay ka xumaadaan aamuska badan ee dowladda, sidaa darteed, DF looga baahan yahay inay bixiso jawaab taxaddar leh oo ku dhisan aragtida ah “sidee xeego lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan.”

Hadalsame Media