Mas’uuliyiinta xawaaladihii Soomaalida ee saaka la galay oo ka hadlay sida wax u dheceen!

0

(Nairobi) 21 Maajo 2019 – Sidii aannu warar hore ku heleeynay waxaa saaka mar la xirey qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Yeelkeede, tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa wixii dhab ahaan dhacay. Ciidmada Booliiska Kenya ayaa la xaqiijiyey inay gudaha u galeen xarumaha dhowr shirkadood oo ka mid ah xawaaladaha ay Soomaalidu ku leeyihiin xaafadda Islii.

Mas’uuliyiin u hadlay shirkadahan ayaa idaacadda VOA laanteeda Soomaalida u sheegay in ay ciidamo hubaysani ogaysiis la’aan gudaha usoo galeen xafiisyadooda, iyagoo su’aalo ka waydiiyay sida ay u shaqeeyaan ama lacagaha u diraan, u guddoomaan iyo hab-raaca maaliyadeed ee bangiyadooda.

Waxay intaa raaciyeey in intii ay baaritanaadasi socdeen ay ciidamada Booliiska shacabkii macaamiisha ahaa u diideen inay gudaha u galaan xafiisyada shirkadahaasi.

Tillaabadan ayaa waxay xigaysaa middii saddex masuul oo ka tirsan Golaha Baaralamanka iyo xitaa Wasiirro ka tirsan DF Somalia loogu diidey in la siiyo dal-ku-galka Kenya, jeer ay siteen Baasaboorka Soomaaliya. Halka 3 ka tirsani ay ku gudneen baasaboorro qalaad, iyagoo iska xayuubiyey xilkii saarnaa.

Hadalsame Media