”Waxba lama hari doonno!” – Sucuudiga oo sheegay in uu Iiraan cashar u dhigi doono haddii ay dagaallamaan! (Kulan deg deg ah)

0

(Riyaad) 19 Maajo 2019 – Riyaad waxay Tehraan kaga hor tegeysaa “dhamaan awooddeeda” haddii loo baahdo, sidaa waxaa ku gooddiyey Wasiiru Dowlaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga Carbeed kaddib markii uu Dhaxal Suguhu telefoon kula hadlay maamulka Washington oo ay isla soo qaadeen wax lagu sheegay “amaanka gobolka.”

”Tehraan waxay doonaysaa inay qasto gobolka oo idil” ayuu yiri Adel al-Jubeir oo beesha caalamka ugu baaqay inay arrintan soo fara geliyaan inta goori goor tahay.

Wuxuu sheegay in Riyaad ay nabad uun doonayso, balse ay awooddeeda oo idil adeegsan doonto haddii buu yiri ay dhinaca kale “dagaal doortaan.”

Shalaytoole, Amiir Mohammed bin Salman ayaa khadka telefoonka kula sheekaystay Wasiir Dibadeedka Maraykanka  Mike Pompeo oo ay isla soo qaadeen kordhinta “dadaallo lagu tabantaabayo amaanka iyo xasilloonida gobolka.” 

Dhanka kale, Boqor Salman ayaa madaxda Jaamacadda Carabta ugu baaqay inay iskugu yimaadaan kulan deg deg oo Maajo 30 ka dhacaya magaalada barakaysan ee Maka, kaasoo lagaga hadlayo weerar lagu qaaday saliidda Sucuudiga oo sida muuqata Iiraan lagu eedeeynayo jeer aan wax caddayn ah arrintaa loo haynin.

Dadka arrimahan u dhuul daloola ayaa fahamsan in Israel ay aad ugu dadaalayso in Iiraan lagu jebiyo cududda iyo coodka Carbeed si ay iyadu u gaarto daneheeda istaraatijiga ah, halka dagaal kasta oo noocaas ihi aanu dan u ahayn Carabta iyo guud ahaan Islaamka, gaar ahaan xilli ay Iiraan haysato taageerada Carab badan oo ay Shiicannimo ku xukunto, taasoo dhalinaysa dagaal mindhicireed Carabta lafteeda dhex mara.

Hadalsame Media