Nin nolosha isku gubey kaddib markii ay naagtiisu ka aaddey nin kale!

0

(Namba Village) 15 Maajo 2019 – Nin 37-jir ah oo deggan tuulada Namba Village ee hoos tagta Suna West, ismaamulka Migori County ayaa shalay is gubey ka gadaal markii ay xaaskiisu ka dal doorsatay iyadoo la sheegay inay u safartay Mombasa si ay ula kulanto nin kale.

Joel Okoth ayaa markii hore bansiin cabey, kahor intii aanu isku bilbilin oo aanu dab is qabadsiinin. Shilkan ayaa ka dhacay guriga gabadha uu jeclaa oo xilligaa ku maqnayd Mombasa oo ay hal todobaad jirto.

Gabar deris la ah oo la yiraahdo Liz Akida, ayaa gurmadka wacday kaddib markii ay qaaca aragtay, balse dersaanta ayaa gudaha geli waayey maadaama uu Okoth hoosta ka xirtay qolkii uu isku gubey.

Okoth walaalkii oo la yiraahdo Fred, ayaa sheegay in walaalkii uu liqi kari waayay markii ay gabadhu u sheegtay inay ku noqonayso nin horay u qabi jirey.

Fred ayaa sheegay in Okoth, oo 2 xaas oo kale qaba uu deeto falkan ismiidaaminta ah ku kacay kaddib markii ay ka dal doorsatay xaaskiisa oo 35-jir ah.

Booliiska ayaa biib uu saliidda kusoo qaatay ka helay halkii uu isku gubey Okoth.

Hadalsame Media