Sharciyad maku taagan yihiin axaabta laga dhisayo Somalia?

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2019 – Ula jeedadda ugu wayn ee loo doonaayay dhaqangalka xisbiyada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxay ahayd in laga gudbo nidaamka qabiiliga ee hada ayku dhisan tahay dowladda Soomaaliya 4.5.

Waxaa jira nidaam caalami ah uu dal kasta leeyahay, taasoo la doonaayo inta aan xisbiyada la dhisin inuu jiraa sharuucdii xisbiyada lagu hagi lahaa.

1- Meel marinta sharciyada xisbiyada, kaasoo laga ansaxiyay Baarlamaanka dalka.

2- Waa in la sameeyaa guddi madax bannaan oo ay raalli isaga wada yihiin xubnaha dowlad goboleedyaddu, sida ku cad dastuurka hadda dowladda lagu yahay.

Haddeeysan labadaas qodob jirin ma jiro wax xisbi ah oo sharci ku qotoma, waa haddii sharci lagu dhaqmaayo. Waxa intaas ka soo hara waxaan u arkaa inay tahay jahawareerin iyo wax aanan jirin oo waqti lumis ah.

Eedaas waxaa iska leh Baarlmaanka, waxaana khasab noqon doonta in lagu dhaqmo nidaamka qabiilka ee 4.5 ee hada jira haddii aysan jirin wax sharci ku fadhiya.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media