RASMI: DF Somalia oo dabagal ku bilowday dadka dusiyay Imtixaanaadka Shahaadiga ah

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2019 – DF Somalia ayaa sheegtay inay si rasmi ah dabagal ugu bilowday dadkii ka dambeeyay dusinta Imtixaanaadkii Dugsiyadda Sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada DF Somalia, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaciyay in hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku bilaabeen dadka lagu tuhmayo in ay imtixaanka dusiyeen, isagoo weliba sheegay in la hayo raadad hordhac ah, balse aanu sheegaynin.

Wuxuu se sheegay inay shacabka la wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baarista iminka la bilaabay oo ay dadka tusi doonaan sida ay wax u dheceen.

Hay’adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda insaanka ayaa cambaaraysay falka ay dowladdu ku xayireeyso adeegsiga baraha bulshada, taasoo ay sheegeen inaysan waxba ka taraynin sababta loo cuskanayo.

Hadalsame Media