”Ma doonaysaa inaad umad BURBURISID adigoon Bambo adeegsan?!!” (Fadlan akhri)

0
Copycat in action during a test

(Hadalsame) 15 Maajo 2019 – Dalka Somalia ayaa kaddib burburkii waxaa meesha ka baxay guud ahaanba haykalkii iyo hab-dhismeedkii kala sarreeyay islana xisaabtamayey si uun, waxaana bedeley nidaam jaantaa rogan ah oo uu qofba siduu doono yeelayo, waxaana meelaha dalka laga galay oo ay halis badani ka dhalan doonto ka mid ah waxbarashada oo ay dadku sheeganayaan cilmi aysan soo baran.

Tusaale ahaan, magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla wax ka badan 40 jaamacadood, taasoo aan saami gal toos ah la ahayn ardayda kasoo qalin jebisa Dugsiyada Sare ee dalka oo idil, haddaba halkee kasoo baxaan ardayga dhigata?

Haddaba akhri qoraalkan kooban oo ku saabsan sida umadi u baaba’do marka ay iska dhaadhiciso inay taqaanno wax aysan aqoonin:

Ma rabtaa inaad umad burburisid. Uma baahnid madaafiic iyo qaraxyo Bam.

Kaliya waxaa loo baahan yahay inaad hoos u dhigtid tayada tacliinta islamarkaana aad QISHKA ogolaato.

Kaddib, bukaannadu waxay ku dhimanayaan gacmaha dhakhaatiirta. Dhismooyinku waxay sababsanayaan oo ay ku dumayaan gacmaha Injineerrada. Lacagtuna waxay ku dhumaysaa gacmaha Xisaabiyeyaasha.

قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ.

W; D: Maxamed Firxad & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media