”Waa wax lagu qoslo in la xiro baraha bulshada!” – Amnesty International oo furka ku xoortay DF Somalia

0

(Nairobi) 15 Maajo 2019 – Kaddib markii uu shaacay warka sheegaya in Wasaaradda Waxbarashada Somalia ay soo saartay amar lagu xirayo baraha bulshada min 27 ilaa 31-ka bishan Maajo, ayaa waxaa arrintaa ka qaybla dhaamisay hay’adda Amnesty International.

“Waa wax lagu qoslo inay dowladdu ku fikirto inay xirto baraha bulshada dalka oo idil, kaddib markii ay waajibkeedii ahaa ilaalinta waraaqaha imtixaanka ku fashilantay.” ayuu yiri Agaasime Xigeenka gobolka Bariga Afrika, Geeska iyo Harooyinka Waawayn ugu qaybsan hay’addaasi, jaalle Seif Magango.

“Waxay ahayd inay sahmiyaan wadiiqooyin kale oo ay ku sugaan amaanka imtixaanka iyagoon qaadin tillaabooyin dib u socod ah oo lagu xakamaynayo xorriyadda hadalka.” ayuu raaciyey.

SALKA ARRINTA

Wasiirka Waxbarashada, Md Cabdullaahi Goadax Barre ayaa 13-kii bishan baabi’iyey Imtixaannadii Shahaadiga ahaa oo dalka ka bilowday 11 Maajo kaddib markii la dusiyey natiijooyinka imtixaanka, isagoo u muddeeyay 27-31 Maajo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xilligaasi la xiri doono baraha bulshada. Shalay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dibad baxyo foowdo wata.

Hadalsame Media