IMTIXAAN ADAG: Puntland QOOL bir ah ayaa qoorta u suran!

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2019 – Waxaan beri dhowayd dhegeysaney siyaasiyiin ku faanaysa in Puntland uu yahay maamul soo jirey in ka badan 20 sanadood, taariikh ahaanna been ma aha duruuf kastaba haku jiree, balse tirada da’da waxaa ka mudan tayada adeegga uu maamul dadkiisa siiyo, sida garsoor bulsho oo dhan kasta ah (social justice).

Kaddib xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad ee Puntland ku riddey 3 nin oo lagu helay dembigii lagu kufsaday laguna diley Caa’isha Ilyaas, waxaa soo baxaya warar ay dad badani la yaabeen oo kasoo baxaya odayaal u qiil raadinaya dembiilayaasha la xukumay. Waa cadaalad darro loo bareerayo lalana bareerayo iyo arrin ay ahayd in laga gabado oo laga xishoodo.

Waxaa kasii horreeysey qoyskii Caa’isha Yareey oo iskaga qaxay magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay dareemeen in uu garsoorka goobtu goobbo leeyahay.

Haatan Maxkamadda Garoowe waxay riddey xukun la wada sugayey iyadoo weliba dhigtay taariikh cusub oo dhanka farsamada casriga ah, balse waxaa oo dhami kuma fillaan doonaan faan cidla ahna kama badan doonaan haddii aanu xukunku u fulin si saaxi ah oo la isku dayo in wax la sogordoho.

Nidaamka Puntland oo uu ugu horreeyo MW Puntland, Md Siciid Deni iyo hannaanka garsoor ee maamulkaasi, waxaa qoorta u suran qool bir ah, waxayna Soomaaloo dhami ka dhur sugaysaa halka iyo sida ay wax u dhameeyaan maadaama ay arrintani tahay mid lala wada socdo (well-documented), waxaa sidaa darteed looga fadhiyaa in cadaaladdu fursad buuxa hesho, markaa kaddib ayaan garowsan karnaa in Puntland uu ka jiro nidaam gobollada kale wax dheer.

Haddii se aan la fulin oo la iska daba wareejiyo waxaa ka dhan doonta cuqubo umadda wada camimta oo aan ku ekaan doonin inta samaysay, inta u doodaysa iyo inta ka ag dhow.

Halaagga Soomaali haysta wuxuu salka ku hayaa cadaalad la isu diidey.

Hadalsame Media