DF oo qabatay nin ku eedaysan inuu dusiyey qishka Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2019 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo shir saxaafadeed qabtay maanta ayaa sheegay in hogaanka dambi baarista ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Jamaaludiin Xasan Xirsi oo ka shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada, kaasi oo lagu eedeynayo in uu bixiyay imtixaankii dowladda ee la qishay.

Taliyaha ayaa xusay in baaristu ay tahay mid bilow ah ayna socoto weli, isla markaana sharciga la marsiin doono inta ku lug yeelata kiiskan.

“Waxaan shacabka la wadaagayaa in waxkasta oo dhaca ama dambi kasta oo dhaca mas’uuliyadeeda meel ayay fuuleysaa, waxaan ka digayaa mudaaharaadyada lagu soo dhex dhuumayo oo dadka wax lagu gaarsiinayo, jidadka lagu xirayo, intaas waxaan oran lahaa in laga waantoobo” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Hadalsame Media