XIDDIGLIHII ugu halka adkaa Ciidamada Japan 1944-kii (Taariikh Kooban oo xiise badan!)

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2019 – Xidigle Hiroo Onoda waa ninkii ugu caansanaa askar macangagiin reer Japan ah kuwasoo ku sii dhumaaleysanayay Koonfurta Pasifika (South Pacific) sanado badan kadib markii uu dhamaadey dagaal weynihii labaad ee dunida.

Xidiglahan oo ahaa sarkaal dhinaca muqaabaraadka militeriga ayaa ku sugnaa halka lagu magacaabo Lubang tan iyo sanadku markuu ahaa 1944-tii, bilo yar kahor intii aanu Mareykanku weerar dib ugu qabsan dalka Filibiin oo ay Japaaneesku haysteen.

Awaamiirtii ugu dambaysay ee askarigan uu ka heley taliyihiisa markii ay kala go’doomeen ayaa ahaa inuu dib ugu gurto howdka jaziiradda—halkaasoo muhiimad weyn u lahayn ciidamadii isbahaysiga, kadibna iaga iyo raggiisa ay weeraro gaadmo ah kusoo ekeeyaan ciidanka isbahaysiga ilaa Imbaraadooriyaddii Japanka xukunkeeda lagu soo celiyo Filipiin. Askarigan ayaa amarkii tooska ahaa ee uu ka heley taliyihiisa wuxuu ahaa “Waxaa gebi ahaanba kaa reebban inaad gacantaada isku dishid, laga yaabee inay qaadato sedex sano, ama ay qaadato shan sano, laakiin wax walboo dhaca, waanu kuu soo laaban doonnaa. Ilaa iyo inta ka horeysa, inta aad haysatid hal askari waxaa lagu farayaa inaad hogaamisid”.

Xidigle Onoda wuxuu sii watey halgankiisa isagoona markii dambe sedex askari oo keliya kula jirey buuraha keymaha badan kuwasoo uu taliye u ahaa. Intii uu halkaasi ku jirey, isaga iyo askartiisa waxay fulinayeen dagaal jabhadeed qaarkood ay la galeen bileyska dalka Filibiin.

In kastoo dhowr jeer laysku dayay in laga dhaadhiciyo inay is dhiibaan kadib markii waraaqo loo daadiyay, iyagoo lagu wargelinayo in dagaalkii uu dhamaadey, misana wuu ku gacan seyray oo sii watey dhuumaaleysigiisa ilaa markii dambe la diley dhamaan sedexdii askari ee la socotey dhowr sano kadib.

1974-tii ayaa waxaa markii ugu horeysay hoodka kula kulmey xidigle Hiroo nin Japanese ah oo socdaal ku marayay dunida laguna magacaabo Suzuki, kaasoo socdaalkiisu qeyb ka ahaa inuu ninkaasi uu ka raadiyo hoodka.

Nasiib wanaag wuxuu ku guuleystay inuu la kulmo laakiin wuu ka dhaadhicin waayay in adduunkii uu ka dhamaadey dagaalkii oo dalalku nabad yihiin uuna isu dhiibo dalka Filibiin. Wuxuu ku adkeystay inuu amar ka helo taliyihiisa si uu isu dhiibo hadii kale uu dagaalka sii wadayo ilaa uu ka dhinto.

Suzuki markii uu Japan ku soo laabtey ayuu dowladda Japan uga waramay wuxuu soo arkey wuxuuna sidoo kale wadey sawiro uu la soo galay si uu u xaqiijiyo inuu la kulmey xidiglihii ka harey askartii Japan ee qabsatey Filibiin.

Dowladda Japan waxay baadigoobtey taliyihii askarigaas Gaashaanle Yoshimi Taniguchi oo inta xili hore howlgab noqdey la soo heley isagoo buugaagta ku iibiniya meel tuulo ah.

Waxaa loo duuliyay Lubang halkaasoo bishii Maarso 9-keeda sanadkii 1974-tii uu kula kulmey askarigii uu taliyaha u ahaa ee Hiroo Onoda oo fulinaya waajibkii uu ku ogaa 30 sandood kadib markii uu siiyay amarkaasi oo ahaa “Wax walboo dhaca waan kuu soo laaban doonnaa ee halganka sii wad”.

Wuxuu ku wargeliyay in Imbaraadooriyaddii japan ay joojisay dhamaanba wixii howlgallo milatri ahaa sanado badan kahor, islamrkaana ciidankii lagu amrey inay u hogaansamaa awaamiirtaas kuwa ku go’doosan goobihii dagaalkana ay ka xaadiraan taliska ugu dhow amaba ay u hogaansamaan awaamiirta ciidanka Mareykanka ama kuwa Filibiin.

Xidigle Hiroo wuxuu u hogaansamey amarkii taliyihiisa 1974-tii waxaana dayaarad helikobtar ah looga soo qaadey keymaha Lubang isagoo weli xiran dharkii ciidankii imbaraadooriyaddii Japan 1944-tii wuxuuna wareejiyay seeftiisii, qorii noocyadii Japanku isticmaalayeen dagaalkii labaad ee dunida(Arisaka 99) iyo 500 xabadood, dhowr bambaano iyo mindi dhaqameed hooyadii ay soo siisey si uu isudgu dilo marka uu cadowgu hareereeyo.

In kastoo isaga iyo askartiisu ay dileen ciidan farabadan oo Filibiin ah intii ay keymaha ku jireen, hadana waxaa saamaxey madaxweynihii Filibiin ee xiligaas Ferdinand Marcos, iyadoo cafintiisa loo cuskadey inuu qabardaar ka ahaa dagaalkii inuu idlaadey.

Waxaa Diyaariyey: Mustafa Xaaji Cabdi Nuur

Hadalsame Media