Haweenay Soomaali ah oo shatigii gaari wadista lagala noqday markii ay gashay ”khalad kasta” oo gaari lagu galo + Sawirro

0

(Melbourne) 15 Maajo 2019 – Haweenay ayeeyo ah ayaa shatigii Taxi wadista lagala noqday ka gadaal markii ay gashay ilaa 30 khalad, iyadoo xitaa mar nin indhoole ah oo rakaab u ahaa waydiisatey inuu jidadka iyo jihooyinka u kala sheego.

Ayeeyadan Soomaalida ah oo ka shaqaynaysey magaalada Melbourne laguna magacaabo Xaawa Cad, 69 jir, ayaa iminka laga mamnuucay inay gebi ahaanba gaari kexeeyso kaddib markii lagu qabtay dembiyo ay ku jiraan xawaara dhaaf, baasidda samaafare shidaya nalka cas iyo iyadoo gaariga ku wadda carruur aan xannibnayn.

Haweenaydan ayaa horay 8 jeer arrimahan oo qura loogu maxkamadeeyay, iyadoo lagu helay 27 dembi oo dhanka gaari wadista ah, isla markaana ay 3 jeer tillaabo ka qaadeen guddiga anshax marinta jidadka.

Waxyaabaha kale oo lagu haysto waxaa ka mid ah dhowr mar oo ay rakaabku kasoo cowdeen, midkood wuxuu xitaa ahaa nin indhoole ah oo ay waydiisatey inuu jihooyinka u tilmaamo iyadoo diiddey inay adeegsato GPS ama ay kaash aqbasho.

Sida uu sheegayo Herald Sun, Ms Cad ayaa 19 jeer la qabtay iyadoo xawaaraynaysa, 5 jeerna waxay ka gudubtey nalka cas, iyadoo marar kale diiddey inay seed bixiso ama daarato nalalka hore.

Markale waxaa xitaa lagu qabtay iyadoo gaariga ku wadda ilmo yar oo aanu suunku u xirnayn oo fadhiya kursiga dambe.

Hadalsame Media