Inta siyaasadda BEEN loo fahamsan yahay biyo macaan laga cabi maayo!

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2019 – Siyaasadda Soomaalidu awelba waxey aheyd mid leh dhaqan reer guuraa oo aan salfadhiya laheyn, iska daa Miyiga oo xoolaha loo naq raacee, xitaa sida hadeey magaalada joogaan ay qolka jiifka ugu dhex guurguuraan oo hadba madaxyada sariirta jiho ugu jeediyaan ayey Siyaasadana ugu dhex guurguuraan.

Dhanka kale, si aaneey Soomaalidu isku aaminin ayey Odayaashu inoo muujinayaan is aamindaro iyo weliba in uusan mid waliba kuwa la socda aaminsaneyn, markaas bay hal warqad oo 7-qodob oo malagood galay lagu xarxariiqay aan meydkooda xitaa la dabagali dooni ayuu mid waliba doonayaa In uu sida arday loox qur’aan ah ka soobax lagu yiri in uu tiisa dhinac iskula tooxo kuwa kalena isha hoos uga xado.

Waa un Odayaashii Garoowe Gud Yariisow In uu shirka fadhiisto u diiday ee hadana markeey soo baxeena yiri Muqdishaan u doodnoo waa nalaka diiday. Yaa loo sheegaa Sacaa labo kelyood leh.

Mase aqaan Madaxya buurada Soomaalidu goor ay deegaan cosob ah oo ay wada sahan sadeen geedigan ilaaheey u qasbay ee daba saqleynaya ku furi doonaan.

Maxaa kalsooni daro isdabataal.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media