FAALLO: Laba Axmed malaga shiray mise waa lala shiray?!!

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2019 – Shirkii ka dhacay magaaladda garoowe Caasumadda Puntland muddo dhowr maalin ahna socday kaas oo u dhexeeyay Maamul goboleedyadda dalka ka jira madaxda dowladda FS iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng: Yariisow.

Shirkaas oo socday muddo dhowr maalin ah waxaa dood adag ka abuuray Ahmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Ahmed Mohamed Islaan Ahmed Madoobe, waa madaxweynaha Galmudig iyo madaxweynaha Jubbaland, dooda ugu weyn ee labadda madaxweyne ayaa waxaa saldhig u ahaa in ay helaan muddo kororsi 2 sanno ah in midkiiba loogu darro balse dood dheer kadib Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku gacan sayr tahay dalabkaas oo doodiisu qaadatay dhowr maalin.

Labadda madaxweyne Jubbaland iyo Galmudug ayaa isku dhinac ahaa halka madaxweynaha hirshabeelle iyo koofur galbeed ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la safnaayeen, balse madaxweynaha Puntland Said Abdullaahi Denni oo markii hore u carab laalaadiyay labbadda madaxweyne ee Ahmed madoobe iyo Xaaf una sheegay in uu labbo sanno oo muddo kordhin ah kala shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen.

Ayaa uga baxay waxuuna la saftay dowladda Federaalka ah iyo maamuladda Koofur galbeed iyo hirshabeelle, arrintaas markay dhacday waxaa shirkii ka baxay madaxda jubbaland iyo Galmudug ayagoo sheegay shirkii garoowe in uu fashilmay, waxaana Garoowe ku wadda haray madaxda Dowladda Federaalka soomaaliya madaxda Koofur galbeed iyo Hirshabeelle, waxayna soo saareen waraaq ay ku sheegeen in ay isku Af-garteen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha Soomaaliyeed ayna heshiisyaddii la galay u fulin lahaayeen ayagoo Golle iskaashi samaysan doona.

Halkaas markii xaalku taagan yahay waxaad mooddaa in madaxweynaha Puntland uu haadaan Afka ka daboolan uga tilaabsaday Madaxweyne Ahmed Madoobe iyo Madaxweyne Xaaf ayagoo, ayna adag tahay sida ay ugu soo baxaan.

Denni ayaa hadda waxaad mooddaa in uu hogaanka u hayo sidii ay saacadda siyaasadda uga bixi lahaayeen labadda madaxweyne ee wakhtiga yar u harsan yahay Xaaf iyo Ahmed Madoobe, balse lama oga in ay ka badbaadi doonaan iyo in ay arrintaan noqon doonto mid soo Af-jarta waayahii masraxa siyaasadda ee Ahmed madoobe iyo Xaaf.

Dowladda Federaalka ayaad mooddaa in ay xoqotay kaar cusub oo ku soo kordhi kara miisaan mar haddii Denni ku soo biiray garabkoodda, halka dadka qaar leeyahiin sida wax u dhaceen waa qorshe horay looga sii shaqeeyay, kaas oo labadda madaxweyne ee wakhtiga yar u haray loo nacsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeedda goboladda ay xukumaan.

Ugu danbeyn waxaad mooddaa labadda Ahmed in aan lala shirine loo shiray ayagoo 2 iyo 0 la diray ayna adagtahay in ay masraxa siyaasadda ku sii nagaadaan.

W/Q: Saciid Muuse Shire

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media