BARTA BUGTA: Halka uu ka fashilmayo FEDERAALKA Somalia & xalkii oo farta lagu fiiqay!

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2019 – Maqaalkan kooban waxan ku iftiimiyay halka ay sartu la quruntay marka la eego isbarbaryaaca siyaasadeed ee ka immanaya dowlad-gobaleedyada Soomaaliya. Waxan ugu tala galay in uu furo u noqdo dood ku dhisan aragti dheer iyo dowladnimo.

WAA MAXA MADAXWEYNE DOWLAD-GOBALEED IYO HAB-DHISKA DOWLADDIISA?

1. Madaxweyne dowlad-gobaleed waa gubarnatoore gobal (state governor) sida ka jirto dalal badan oo federaal ah lehna hab-maamul oo ku dhisan 3 darajo; gobal, dowlad-gobaleed iyo dowlad dhexe (federaal) sida ay dowlado badan u dhisanyihiin. Dowladihu waa ay ku kala duwanyihiin Magac-bixintiisa. Qaar ayaa ugu yeera “madaxweyne” sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Qaar kalana waxay ugu yeeraan “gubarnatoore” sida Maraykanka iyo kuwa kale.

2. Waa hoggaanka dowlad-gobaleedka ahna madaxa fulinta ee dowlad-gobaleedkaas oo hoostagaya, maamul ahaan, wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah golaha wasaaradaha oo sii hoostaga ra’iisul wasaaraha oo isaguna fulin ahaan hoostaga madaxweynaha dowladda federaalka (bal ila eeg kala sarraynta)

3. Dowlad-gobaleed kaste waxuu leeyahay gole sharci-dejin iyo garsoor ka madax-bannaan laanta fulinta iyo madaxweynaha.

Xitaa sida ka jirto dalalka qaar, sida Maraykanka, gumarnatooraha ama madaxweyne D.gobaleedku ma laha codka veto (fiito) ama rooko uu ku hor istaago shuruucda baarlamaanka ee dowlad-gobaleedka.

4. Dhammaan shuruucda dowlad-gobaleedyada waa in ay waafaqaan kuwa federaalka ee ay golayaasha federaalku meel-mariyeen. Ma jiri karto feer-dooxasho.

5. Haddii ay dowlad-gobaleedku leedahay duruufo bulsho, dhaqaale, amni iyo siyaasadeed oo aanan ka jirin d.gobaleedyada kale, waxa loo ogolaan karaa shuruuc gaar u ah ee laakiin laga soo curinayo heer d.gobaleed lagana ogolaanayo heer federaal. Dowladaha adduunka waa ay ku kala duwanyihiin hannaanka.

6. Laamaha fulinta iyo garsoorka ee dowlad-gobaleedyada waxay la-Jin noqonayaan ama is waafaqayaan kuwa federaalka xagga magaca, hab-dhiska iyo xilalka. Kaliya heerka ayaa kala duwan.

Tusaale ahaan; marka ay dowladda federaalku leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta, D.gobaleedyada waxay yeelanayaan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta ee Jubaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug. Waaxaha wasaaradaha D.gobaleedyada waxa la waafajinayaa waaxaha Isla wasaaradahaas ee heer federaal.

FAHANKA KHALDAMAY!

Madaxweynayaasha D. Gobaleedyada Soomaiya waxay isu haystaan hoggaan qaran. Mid kaste dowlad gobaleedkiisa waxu ka aaminsanyahay dowlad yar oo ay dani kala dhaxayso dowlad kale am urur gobaleed la macaamilayo mid kale. (regional blocks). Maaha xubno dowlad qudha ee waa dan-wadaag daris ah.

Bal ila eeg faafaahinta hoose:

-Hoggaanka: Halkii uu ahaa madaxa d.gobaleedka iyo hoggaanka fulinteeda, waxu isu arkaa hoggaanka iyo jaan-gooyaha siyaasadda qaranka.

– Wadashaqeynta: Ma aaminsano wada shaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee waxuu aaminsanyahay in kaliya ay wadashaqeyn kala dhaxayso madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

– Xadduuda taladiisa: Madaxweyne D.gobaleedku ma uu aqoonsano xayndaabka xukunkiisa. Marka uu yahay madaxweynaha Jubaland, waxuu rabaa in uu go’aamiyo talada siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee dowladda federaalka iyo d.gobaleedyada kale. Waxuu wiiqayaa awoodda Golaha federaalka ee fulinta, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxuu lammaaninayaa awoodda maamul gobaleedyada kale sida ka dhacday Shirkii Garowe.

– kala dhantaalka hay’adaha: Inta badan wasaaradaha D.gobaleedyada ma waafaqsana kuwa federaalka. Shuruucda baarlamaannada D.gobaleedyada lama jaan qaadaan kuwa federaalka. Garsoorrada labada heer isma il-buuxiyaan. Taas waxay keentay kala madax-bannaanaasho jid-darra ah (aan sharci ahayn)!

– Dalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad gob ah oo madax bannaan. Madax-bannaanida dalalka waxa ilaaliya heerka ugu sarreeya hoggaanka dalka oo adeegsanaya xoogaga ciidaan ee dowladda, dublamaasiyad iyo sarreynta shuruucda dalka.

Dowlad gobaleedyada maanta jira waxay ka jecelyihiin la shaqaynta dowladda dhexe la jaan-qaadka dowladaha iyo hay’adaha shisheeye. Waxay guntiga u xidheen in ay garab-saar la yeeshaan ummadaha qalaad si ay:

B. Uga helaan taageero gaar ah oo barbar marsan dowladda federaalka
T. Uga dhigaan talada dowladda federaalka mid lammaan oo haanta gadowga lala haysto
J. Uga helaan hiillo marka ay is qabtaan dowladda federaalka.

Tani waxay seeto u tahay gummaysiga casriga ah ee loo yaqaan Neo-colonialism waana gunnimo qaran. Hay’adaha Soomaaliya ayaa ku filan xallinta mushkiladaha Soomaaliya. Intaa ku darso in xariirka caalamiga ahi uu yahay waajib dastuuri ah u gaar ah dowladda federaalka.

YAA KA DANBEEYA DABINKAAN?

Marka la soo koobo, isbarbaryaaca ka yimid dhinaca dowlad gobaleedyada waxu ka dhashay lama arrimood:

1. Dowladihii hore ee Soomaaliya oo ka gaadbiyay in ay dajiyaan Xayndaabka Hay’adeed iyo Sharci ee Maamulada Dhismayay (Institutional and Legal Framework of Emerging Federal Member States). Waxa la rabay inta aan maamulada la dhisin in la jeexo qorshe qeexayo hab-dhis midaysan (unified structure), awoodaha dowlad gobaleedyada (FMS powers) iyo habka wada shaqeynta saddexda heer ee dowladda. Waxa marka qorshahaas loo badali lahaa hindise-sharciyadeed uu baarlamaanka federaalku meel-mariyo, deetana lagu dhiso dowlad gobaleedyadii soo baxayay . Ka dib qodobada munaasibka ah waxaa lagu biirin lahaa dhammaytirka dastuurka qabyada ah.

Haatan dowlad-gobaleed kaste waxay u dhisantay si iskeed ah.

Tusaale, bal hadda eeg qaab-dhismaha hoggaanka sare ee fulinta dowlad-gobaleedya:

– Jubaland: madaxweyne iyo laba Madaxweyne k/xigeen oo la magacaabo
-Hirshabwelle: Madaxweyne iyo hal M/k/xigeen oo la doortay
– Puntland: La mid Hirshabeelle
-Koofur Galbeed: kaliya Madaxweyne
– Galmudug: Madaxweyne, Madaxweyne k/xigeen iyo ra’iisul wasaare.

Ma ila aragtaa sida aysan u jirin hab-dhis midaysan?

2. Sababta labaad waxa weeya aragti maamul-xummo oo aannu ka dhaxalnay qaran-jabkii oo ku salaysan hoggaamiye-kooxeednimo (patrimonialism) iyo in aanan la tixgalin habka dowlad hay’addaysan (Institutional government). Waxa innaga dhumay fahamka dowladnimada, sarreynta sharciga, kala danbeynta hay’adaha dowladda iyo garashada federaalka oo innagu cusub. Waxa intaa dheer, aqoonta madaxda D.gobaleedyada oo inta badan xaddidan taas oo ka dhigaysa geel-jire dhaqtar ah.

Isla qodobkan waxa ka mid ah ayada oo dowlad-gobaleedyadu ay meesha ka saareen awooddii heerka 3aad ee federaalka sida gumarnatoorayaasha, guddoomiyayaaaha degmooyinka iyo Golaha deegaanada oo abuuri lahaa isu dheelli-tir awoodeed ee heer dowlad-gobaleed kuna imman lahaa hab doorasha ah .

Inta badan dowlad-gobaleedyadu si ula kac ah ayay u diideen daadejinta maamulka heer dowlad-gobaleed oo doorasha ah ayada oo loo diyaariyay xeer iyo xoolo intuba. Waxa goballada iyo degmooyinka ka taliya maamullo la magacaabay, gacan-ku-sameys ah oo nuxurki laga siibay. Sababtu waa fikir kalitalisnimo oo kaliya.

MAXAA XAL AH?

1. Wadashaqayn buuxda:

Xalka koobaad, labaad iyo saddexaad waa in la helaa wada shaqeyn rasmi ah oo ka dhaxaysa heerarka iyo laamaha dowladda.

2. Hoggaanka Xalka:

Dowladda federaalka ayaa dow u leh suuragelinta arrintaa. Haddii ay kala kulanto caqabad sida hadda ka dhacday Garowe, wali dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa.vMarnaba arrintu maaha sida uu ku baaqay madaxweynaha D.gobaleedka Jubaland ee ahayd “Soomaalidu ha tashato”. Taas oo loo arki karo ku baaqid fowdo, isdhexyaac, jahawareer siyaasadeed iyo niyadjabin shacab.

Taa baddalkeeda, dowladda federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay qaaddo tillaaba kaste oo lagama maarmaan ah oo ilaalinaysa wadajirka dalka iyo wadashaqaynta heerara iyo hay’adaha dowladda. Qaddiyaddani uma taal dowlado shisheeye, hay’ado caalami ah iyo dowlad-gobaleedyo gaar u daaqsada toona.

3. Nooca Xalka: xalku waxu yeelanayaa qorshe ka kooban istaraatiijiyado kala duwan oo laga yaabo in qaar ka mid ihi ay qaraaryihiin laakiin aanan sinnaba looga maarmin taasi oo gunta ku sidata isbaddal siyaasadeed, dhaqaale, shuruuc iyo go’aanno dowladeed oo geesinnimo leh.

NUXURKA:

Waxa dowlad-gobaleedyada marin habaabiyay habdhiskii hore oo qaldamay iyo fahamka dowladnimada oo gurracan, gaar ahaan habka aannu qaadanay. Xalka ugu muhiimsan waa in la helo wadashaqeyn buuxda oo u dhaxaysa heerarka iyo hay’adaha kala duwan ee dowladdeenna. Arrintaa waxa looga fadhiyaa dowladda federaalka. Waxa u furan khiyaar kaste oo lagama maarmaan ah.

Waxaa Diyaariyey: Axmed M. Caafi

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media