COCA RAMADAN: Coca Cola oo samaysay nooc cusub oo ay Ramadaanka ku maamuusayso (Muran ka dhashay)

0

(Oslo) 13 Maajo 2019 – Coca-Cola Norway ayaa ku dhawaaqday dufcad cusub oo ay ku dhejisey bisha astaanta u ah Muslimiinta oo ar markii ugu horreeysey taariikhda kusoo bandhigtay cabitaanka fudud ee ay farsamayso.

Coca-Cola ayaa caadiyan fasaxyada Masiixiga ah samaysa noocyo ay ugu tala gashay balse sanadkan waxaa ku cusub inay Ramadaanka ku maamuustay nooc gaar ah, iyadoo ugu tala gashay Muslimiinta Norway.

“Dalalka Muslimka ah waxaannu caadiyan maamuusnaa bisha Ramadaan, sida aannu dalkanba u sameeyno xilliyada ciidda Masiixiga. Haatan waxaannu doonaynaa inaan markii ugu horreeysey la dabaal degno Muslimiinta Norwegian-ka ah,” ayay tiri Johanna Kosanovic, oo ah madaxa suuq gaynta Coca-Cola Norway, oo u warrantay warqaadka Dagbladet.

Go’aankan ayaa ka caraysiiyey qaar badan oo ka mid ah muxaafidiinta neceb dhaqamada qalaad iyo qolyaha gaarka u karha Muslimiinta, balse dadka liberaalka ah ayaa soo dhoweeyay oo ku tilmaamay mid qiimaynaya wada noolaanshiyaha shucuubta kala geddisan.

Norway ayaa leh bulsho Muslim ah oo aad u kordhaysa, taasoo iminka 5.7% ka ah guud ahaan dadka dalkaasi oo gaaraya 5.2 milyan oo qofood.

 

View this post on Instagram

 

Reklame: God Ramadan! Det som forener oss er større enn det som skiller oss. ?

A post shared by Coca-Cola Norge (@cocacolano) on


Hadalsame Media